Hargeysa-SomalilanSept01-10-(SDN)-Waxa maanta (shalay) abaaro 10:00 Subaxnimo xabsiga loo taxaabay Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Xisbiga UDUB Mudane Cabdicasiis Xuseen Raage. Ma jrin haba yaraatee wax sharci ah oo loo raacay xadhiga masuulka Xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal iyo wax ruqsad ah oo loo weydiistay maxkamad xalaalaysa xadhiga masuulkaas. Waxa gacantiisa ku fulieyey amarkan Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo isagu ku soo qaatay gaadhigiisa isagoo u adeegsaday ilaaladiisa oo u taxaabay xabsiga kuna soo xidhay Saldhig dhexe ee Magaalada Boorama. Waxa isna hore loo xidhay shalay Maxamed Axmed Ibraahim oo ah Guddoomiyaha xisbiga ee Degmada Boorama, Waxana la sii daayay ka dib markuu xidhnaa 26 saacadood. Mar aan la xidhiidhay maanta Guddoomiyaha Degmada ee Xisbiga UDUD waxu ii sheegay inaad moodo inay jabhadi qabsatay magaalada oo nalaga aar gudanayso. Waxu intaa igu daray in la abuurayo cadaawad iyo colaad loo hayo taagerayaasha xisbiga UDUB ee Gobolka, waxanuna u aragnaa ayuu yidhi kicin dadweyne. Waxanu ka codsanaynaa hay’adaha sharciga ee dalka inay xorriyadiisa u soo celiyaan masuulka xisbiga Mr ; Cabdicasiis Xuseen Raage. Caga juglaynta iyo xadhiga joogtada ahna laga daayo xubnaha xisbiga ee Gobolka Awdal. Waxanu ugu baaqaynaa taageerayaasha xisbiga ee Gobolka Awdal inay muujiyaan xasilooni iyo degaanaansho inta arrintan xal laga gaadhayo.
Newsdesk-Hargeysa-Somaliland