Muqdisho-Somalia-Sept03-10-(SDN)-Xildhibaan Maxamuud C/llahi Wehliye (Waqaca) oo ka tirsan Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa ka digay xildhibaano is uruursaday oo doonaya inay ridaan Xukumada uu hogaamiyo ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali.
Xildhibaanka oo la hadlayay Idaacadaha gudaha qaarkood ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in ay jiraan mudanayaal barlamanka ka tirsan oo damacsan inay wiiqaan Xukumadda. Isagoo xusay in iminka ay Xukumaddu bilowday dadaalo ay wax badan kaga qabanayso howlihi loo soo xil saaray oo mudo Sanad iyo wax la jira ah aanay waxba ka qaban.
Hal Sano iyo Bar ayuu sheegay xildhibaanku inay Xukumaddu ahayd mid fadhiid ah. Balse iminka ay dib isku abaabushay oo ay doonayso wax ka qabashada arimaha amaanka, siyaasada iyo dhaqaalaha dalka.
Wuxuu ugu baaqay Xildhibaanadan oo uu sheegay inay ku kullansanyihiin xarunta Madaxtooyada Soomaaliya inay ka waantoobaan dhaq dhaqaaqyada wax burburinta ah ee ay ku jiraan. Isagoo carabka ku dhuftay in hadii ay Xildhibaano doonayaan ridista Xukumadda looga baahanyahay inay si sharci ah u horyimaadaan Barlamanka oo ay soo gudbiyaan mooshin noocaas ah oo illaa 176 cod oo codadka mudanayaasha Barlamanka ah watta.
Hadalka Xildhibaankan waxa uu imaanayaa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay soconayeen hadalo dhaliilo iyo eedeymo isugu jira oo qaar ka tirsan mudanayaasha barlamanka Soomaaliyeed ay u jeedinayeen Xukumada uu hogaamiyo ra’isul wasaare Sharma’arke.
“Waxaa layaab leh in Xukumaddu ay isku mashquuliso kullamo looga hadlayo arimaha burcad badeeda iyo guryo loo sameeyo mudanayaasha Barlamanka. War anagu guryo ma rabno ee waa in laga wada hadlaa arimaha amaanka Muqdisho oo aad u cakiran, cid kastana ay ka war qabto muhiimadda ka hadalkiisu ay leedahay” sidaana waxaa yidhi Xildhibaan Cumar Islow oo ka mida mudanayaal maalmihii ugu dambeeyay kullamo ku yeelanayay Muqdisho oo kullankoodi ugu dambeeyay ee dhacay Shalayna kasoo saaray hadalo lagu dhaliilayo Gollaha Wasiiradda dowladda KMG ee Soomaaliya.
Si kataba ha ahaatee Gollaha Wasiirada waxaa lasoo dhisay dhowr bilood ka hor. Ka dib markii uu is badal ra’isul wasaare Sharma’arke ku sameeyay Xubnaha gollahaasi. Waxaana tan iyo markii uu wasiirada cusub soo magacaabay daba socday dhaliilo iyo qayla dhaan dhanka Barlamanka ka imaanaysa oo ku aadan in gollaha cusubi uusan sharci ahayn illaa laga horkeeno Xildhibaanada barlamanka. Taas oo aan wari dhanka Xukumada ka hir-galin.
Newsdesk-Muqdisho-Somalia