Muqdisho-Somalia-Sept02-10-(SDN)-Waxaa dagganaasho ku jirta xaaladda amaan ee magalada Muqdisho oo illaa iyo Xalay aanay ka dhicin wax iska horimaadyo ah oo u dhexeeya dhinacyadii dhawaanahan ay dirirtu dhex maraysay.
Degmooyinkii ay dagaalada ugu cuslaa ka dhacayeen maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxay wararka ka imaanayaa sheegayaan in ay xaalad dagganaasho ah ku jireen tan iyo Xalay. Inkastoo ay labada dhinac Ciidamadoodu wali is horfadhiyaan.
Degmada Hodan oo aan dad ku sugan goor dhaw la xiriirnay ayaa inoo sheegay in Ciidamada dowladdu iyo kuwa Shabaabku ay isku horfadhiyaan aagagii ay maalmahan oo dhan ku dagaalamayeen. Wax is badal ah oo dhinacaas ka dhashayna ma jiro.
Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa iyaga iyo Gaadiidkooda dagaalka oo aad u badan lagu arkayaa agagaarka Isgooyska Debka oo ku yaala Wadada Maka Al-Mukkarama oo ah tan isku xirta Madaxtooyada Soomaaliya iyo Garoonka diyaaradaha iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee ay dowladdu maamusho.
Halkaas ayaa ah meesha ugu daran ee ay dagaalada ku dhawaad 10-ka maalmood qaatay ee dhex marayay dowladda iyo Shabaabku ka dhacayeen.
Xoogaga Shabaabka ayaa iyaguna waxay ku suganyihiin meel aan sidaas uga fogeyn halkaasi. Waxaana inkastoo ay dowladdu dhawaan sheegtay in ay Shabaabka ka durjisay goobtaasi, hadana wali sideedi sii ah isku dhacyada labada dhinac ee goobtaasi ka soconaya.
Shabaabku waxay gacanta ku hayaan Isgooyska Bakaaraha iyo kan Howl-wadaag oo labaduba isku began kuna toosan Isgoosyada Debka iyo kan Sayidka oo ay Ciidamada dowladdu si wayn difaac kaga jiraan. Waxayna labadaas isgooysba aad ugu dhawyihiin Madaxatooyada Villa Soomaaliya.
Marka dhanka Waqooyi ee magalada aan ka hadalno, halkaas waxay ka mid ahayd goobaha ay dagaaladu ku dhex marayeen labada dhinac oo ay Ciidamadoodu isku horfadhiyaan. Saakay illaa Xalayna wax isku dhacyo ah lagama soo sheegin goobahaasi.
Dhanka isku socodka dadka Shacabka ah ee goobaha lagu dagaalamayaa, ayaa isagu wali ah mid xaniban. Hase yeeshee waxay dad goob joogayaal ahi inoo sheegeen in Saakay uu jiro dhaq dhaqaaq aan badnayn oo ka jira Suuqa Bakaaraha iyo goobaha ku dhaw dhaw.
Wadada Warshadaha oo aad uga fog goobaha lagu dirirayo ayaa iyadu wali ah halka kaliya ee ay Gaadiidka kasoo tagaa Xaafadaha kala duwan, gaar ahaana goobaha ay dowladdu maamusha ee aada Suuqa Bakaaraha ay marayaan. Maadaama ay xirantahay Wadadii isku xiri jirtay goobahaasi ee Maka Al-Mukkarama iyo tan ka tagta Debka ee aada Suuqa Bakaaraha.
Dagaalada ka soconayaa Muqdisho waxay galeen maalintoodii 10-aad. Waxaana tan iyo markii ay bilowdeen ku dhintay in ka badan 300 oo qof halka tiro intaas dheerna ay ku dhaawacmeen.
Inkastoo aan tira koob cayiman laga soo saarin dadka ku wax noqday dagaaladan. Hadana goobaha Caafimaadka ee Muqdisho waxaa lagu arkayaa boqolaal qof oo dhaawacyo kala duwan qaba. Kuwaas oo ay dagaaladu saameeyeen.
Wixii kusoo kordha xaaladda Muqdisho waxaad kula socon doontaan wararkanaga ee soo socda haduu Rabi ogolaado.
Newsdesk-Muqdisho-Somalia