Gaalkacyo-Somalia-Sept01-10-(SDN)-Magalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, waxaa lagu dilay Wariye ka tirsanaa mid ka mida Idaacadaha ka howlgala gudaha magaaladaasi.
Wariye C/llahi Cumar Geedi oo ka tirsanaa Idaacadda Dal-Jir ee magalada Gaalkacyo ayaa la dilay xilli uu ku sugnaa Xaafadda Garsoor ee magaaladaasi. Waxaana dilkiisa loo adeegsaday Toorey, sida uu inoo xaqiijiyay mid ka mida shaqaalaha Idaacadda.
Ruuxa dilka geeystay oo aan la aqoon heybtiisa ayaa isaga cararay goobta markii uu falku dhacay ka dib. Ciidamada Booliskuna waxay ku howlanyihiin soo qabashada cidda ka dambeysay dilka wariyaha.
Illa iyo iminka lama garan sababta ka dambeysay dilka wariyahaasi. Hase yeeshee ma ahan markii ugu horeysay ee fal dil ah uu sidan oo kale uga dhaco magalada Gaalkacyo oo iyadu mudooyinkanba hoy u noqotay dilalka gaadmada ah iyo falalka kale ee amaanka ka dhanka ah.
Newsdesk-Muqdisho-Somalia