Muqdisho-Somalia-Sept02-10-(SDN)-Dowladda Wadanka Uganda ayaa Ciidamo dheeraad ah gaarsiisay magalada Muqdisho. Xilli la filayo in ku dhawaad 2-kun oo Askari lagu kordhiyo Ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya u jooga howlaha nabad ilaalinta.
Sida uu xaqiijiyay afhayeenka Ciidamada Qalabka sida ee dalka Uganda Mr Katumba Wamala, waxaa magalada Muqdisho ka dagay maalmihii ugu dambeeyay ku dhawaad 750 Askari oo Uganda ay ku biirisay Ciidamadeeda jooga halkaasi.
Ciidamadan dheeraadka ah ee la geeyay Muqdisho ayaa ah kuwo ka baxsan qorshaha 2-kun ee Askari loogu kordhinayo Ciidamada AMISOM oo ay midowga Africa dhawaan go’aansadeen. Sida uu Mr Wamala sheegay.
Illaa 250 kale oo iyaguna ka tirsan Ciidamada Uganda ayuu Mr Wamala xusay in ay iyaguna isku diyaarinayaan tagista Muqdisho maalmaha yar ee soo socda.
Dowladda Burundi oo iyaduna ay Ciidamo ka jooogaan Soomaaliya ayaa la filayaa in boqolaal kale ay Todobaadyadan nagu soo aadan dirto. Kuwaas oo iyaguna ku biiraya howlgalka AMISOM.
Hadalkan waxa uu kusoo beegmayaa xilli la hadal hayay in Ciidamo dheeraad ah ay maalmihii lasoo dhaafay si qarsoodi ah uga soo dagayeen Garoonka diyaaradaha magalada Muqdisho.
Uganda waxaa ka jooga Soomaaliya Ciidamo marka la qiyaaso tiradoodu ay gaarayso in ku dhaw 3-kun oo askari. Waxayna qayb ka yihiin Ciidamo iminka lagu qiyaasay illaa 6-kun oo Askari oo ka kala socda iyada iyo dalka Burundi. Kuwaas oo ka mida Ciidamada midowga Africa uu usoo diray Soomaaliya.
Dhawaanna waxaa la filayaa in tirada Ciidamadaasi ay gaarto 8-kun oo ah tiradii loogu tala galay markii la ballan qaadayay in Ciidamo la geeyo Soomaaliya.
Dhanka kale Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday in lacago dheeraad ah ay siinayaan Ciidamada midowga Africa ee howlgalka AMISOM ee nabad ilaalinta ka wada Soomaaliya.
Haweeney u hadashay xafiiska arimaha dibadda u qaabilsan midowga Yurub oo lagu magacaabo Mrs Catarina ayaa sheegtay in ku dhawaad 47 Million oo lacagta Yuuraha ah ay siinayaan midowga Africa si howlgalka AMISOM loogu taageero.
Lacagtan ayaa waxay ku biiraysaa lacag dhan 142 Million oo Yuuro oo ay Midowga Yurub ugu talla galeen Ciidamada howlgalka ka wada Soomaaliya ee midowga Africa.
Mrs Catarina waxay carabka ku dhufatay in midowga Yurub uu rajo wayn ka qabo in Ciidamada AMISOM ay wax ka qabtaan dhibaatada amni daro ee ka taagan Soomaaliya. Isla markaana ay nabad kusoo dabaalaan dalkaasi.
Soomaaliya, waa dal aanay ka jirin wax dowlad dhexe ah tan iyo markii ay burburtay dowladii milatariga ee uu horkacayay Jaalle Maxamed Siyaad Barre, mudo Labaatan sano ka hor ah.
Waxaa iminka ka soconaya dalka Soomaaliya dagaalo xoogan oo u dhexeeya Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Xoogaga Islaamiyiinta ee ay Shabaabku ugu horeyso oo iyaguna doonaya inay meesha ka saaraan dowladda iyo Ciidamada shisheeye ee caawinaya intaba.
Newsdesk-Muqdisho-Somalia