Maxamed Dheere oo beeniyay in Shabaabku qabsadeen guriga uu ka daganaa Muqdisho.

Filed under: News in English |

Muqdisho-Somalia-Sept01-10-(SDN)-Gudoomiyihii hore ee maamulka gobalka Banadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa beeniyay war dhawaan uu sheegay afhayeenka Xoogaga Shabaabul Mujaahidiin oo ku saabsanaa in ay qabsadeen guriga uu Maxamed Dheere ka dagganyahay Muqdisho.

Isagoo shir jaraa’id oo uu Saxaafadda ugu qabtay magalada Muqdisho ka hadlayay ayuu Maxamed Dheere wax kama jiraan ku tilmaamay warka sheegaya in guriigisa uu gacanta ugu jiro Kooxda Shabaabka. Waxaana uu cadeeyay in gurigiisa uu wali isaga dagganyahay.

“Gurigeyga meesha uu ku yaalo iyo meesha ay kooxdaasi joogaan, intay isku jiraan waa la yaqaanaa. Anigana waa I kanaa. Marka waa been hadalka sheegaayo guriga Maxamed Dheere ayaan qabsanay” ayuu yidhi Maxamed Dheere oo intaas ku daray in aanay xitaa kooxdu usoo dhawayn gurigiisa iyo goobta uu ku yaal.

“Gurigaygu ma ahan Madaxtooyadi Qaranka. Waa guri shaqsi leeyahay” ayuu mar kale ku celiyay gudoomiyihii hore ee gobalka Banadir iyo duqii Muqdisho.

Maxamed Dheere waxa uu sidoo kale ka hadlay dagaalada ka soconaya Muqdisho iyo dadka shacabka ah ee ku dhamaanaya madaafiicda ay dhinacyada is dagaalayaa isku adeegsanayaan.

“Shacabka dhamaanayo Shabaabka ayaa mas’uul ka ah. Waayo waxay madaafiic kasoo tuuraayaan meelaha ay dadku ku badanyihiin, waana loo jawaabayaa. Tan ay soo tuurayaan iyo tan loogu jawaabayaba dadka shacabkaahaa ku waxyeeloobaaya ee wax ay ka faa’iidaayaan ma jirto” ayuu yidhi.

“Nimankaan Shabaabka ah waa dad ay hogaaminayaan rag Al-Qacido ah oo dambiyo dalalkoodi kasoo galay. Waxay wadaanna wax xaq ah ma ahan. Xaqqa ayaanna mar kasta sareynaayo” ayuu ku celiyay Maxamed Cumar Xabeeb.

Wuxuu Maxamed Dheere ugu baaqay beesha Caalamka in loo soo gurmado Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysasn gudaha dalka. Isagoo Shacabkana ugu yeeray in ay iska kaashadaan ka hortagga kooxahan dhibaatada ku haya sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Dheere waxa uu mar ahaa gudoomiyaha gobalka Banadir iyo Duqa Muqdisho. Xilkaas oo uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llahi Yusuf Axmed.

Waana nin adadag oo si wayn uga horjeeda kooxaha Islaamiyiinta ee dagaalka ka wada gudaha dalka. Wuxuuna dhowr jeer ka badbaaday isku dayo dil ah oo ay kooxahaasi la doonayeen.

 
Newsdesk-Muqdisho-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>