Madaafiic ay dad wax ku noqdeen oo maanta lagu garaacay goobo ka tirsan Muqdisho.

Filed under: News in English |

Muqdisho-Somalia-Sept02-10-(SDN)-Inta la ogyahay hal ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay ku dhawaad 5-kalena way ku dhaawacmeen. Ka dib madaafiic xoogan o maanta lagu garaacayo goobo badan oo ka tirsan magalada Muqdisho.

Dadkan wax noqday ayaa waxay ahaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa gudaha iyo daafaha Suuqa Wayn ee Bakaaraha. Halkaas oo ay madaafiic dhowr ah oo u eg kuwo lala soo beegsanayay kusoo dhaceen.

Duqeyntan waxay dhacday maanta barqadii, xilligaas oo Suuqu uu ku jiray wax xoogaa mashquul ah oo ay dadweyne fara badan oo dukaameysi doon ahi kaga adeeganayeen, si ay ugu diyaar garoobaan munaasabada Ciidul Fidriga oo wax yar ay ka harsantahay.

Maalmihii lasoo dhaafay oo dagaalo culus ay ka jireen magalada Muqdisho, gaar ahaanna xaafado ku dhaw dhaw Suuqan ayaa waxaa hakad uu ku jiray ganacsiga Suuqa. Balse tan iyo maalintii Doraad ayuu Suuqu u muuqanayay mid kasoo yara kabsanaya saamayntii ay dagaaladu ku yeesheen.

Laakin markii ay madaafiicda xoogani kusoo dhaceen dhowr goobood oo gudaha iyo daafaha Suuqa ahaa ayaa waxay taas keentay inay kala carar bilaabaan dadkii ku jiray halkaasi. Waxaana mar qura cidlo noqday Suuqa oo ay dadkii joogay isaga baxeen.

Gudoomiyaha ganacsatada Suuqaasi, ninka lagu magacaabo Xaaji Cali Dheere ayaa isagoo la hadlayay Saxaafadda waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Suuqa oo dagaaladii Tobanka maalmood socday ka dib dib u furmay madaafiic lagu soo garaaco oo dadka rayidka ah lagu waxyeeleeyo.

Wuxuu gudoomiyuhu mas’uliyadda madaafiicdaasi dusha kaga tuuray  Ciidamada AMISOM ee garabka siiya dowladda KMG ee Soomaaliya.

Wax war ah oo madaafiicdan iyo sababta ka dambeysay ku saabsan sooma uu bixin. Hase yeeshee waxay goob joogayaal ku sugan agagaarka Madaxtooyada Soomaliya inoo sheegeen in ay jireen madaafiic lagu soo garaacay goobahaasi oo ay dhici karto in kuwa Bakaaraha ku dhacayna ay jawaab u ahaayeen.

Mar waliba waxaa ka dhaca gudaha Muqdisho duqeymo noocan ah oo si gaar ahna u beegsada goobaha ay rayidku joogaan. Taas oo khasaaro aan yareyn dadka maatida ah soo gaarsiiya.

Dhinaca kale iska horimaad waqti kooban socday ayaa maanta ka dhacay agagaarka Isgooyska Ex-Control Afgooye ee magalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya oo goobtaas ku sugan iyo Xoogaga Shabaabku ayuu dhex maray iska horimaadkan. Waxaana uu bilowday markii Shaqaale ka tirsan Wasaaradda arimaha gudaha oo howlo dayactir ah ka waday Wadada Warshadaha oo halkaas ka dhaw ay soo weerareen qaar ka tirsan dagaalyahanka Shabaabka.

Afhayeenka wasaaradda Warfaafinta dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa arintan inoo xaqiijiyay. Isagoo intaas ku daray in Ciidamada amaanka ee dowladdu ay kala cayriyeen kooxihii soo weeraray iyadoo aanay wax khasaaro ahna ka dhalan weerarkaas iyo iska horimaadka ka dambeeyay intaba.

Halka uu iska horimaadku ka dhacay, waa meel u dhaw goob maalmo yar ka hor ay ku dhinteen ku dhawaad 8 ruux oo arday iyo dad shacab ah isugu jiray. Kuwaas oo Gaadiid nooca shacabka qaada ah oo ay saarnaayeen ay la kacday Miino dhulka lagu aasay.

Miinadaasi ayaa inkastoo aan la sheegin sababta ka dambeysay, hadana waxay wararka soo baxayay waqtigaas sheegayeen in lala beegsanayay Shaqaale ku howlanaa qorshe ay wasaarada arimaha gudaha dowladda KMG ee Soomaaliya maal-galinaysay oo wadada Warshadaha meelaha ay ka burbursantahay lagu dayac-tirayay.

Markii uu dagaalka iminka soconayaa ka bilowday Muqdisho ayaa Wadada Warshudu waxay noqotay meesha kaliya ee ay maraan gaadiidka Shacabka ee isaga kala goosha Suuqa Bakaaraha iyo Xaafadaha kale ee Muqdisho qaarkood.

Waxan Wadadaasi ka dhaca qaraxyo midka ay dadka rayidka ah ku waxnoqdeen la mida oo lala beegsado Ciidamada AMISOM ee xarunta ku leh Kulliyadda Jaale Siyaad oo aan goobta ka fogeyn.

Taas ayaana ah sababta ku kaliftay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM in ay ka howlgalaan dayactirka wadada iyo daboolida meelaha ay ka burbursantahay.

 
Newsdesk-Muqdisho-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>