Kullan looga hadlayay haweenka iyo doorkooda horumarinta bulshada oo Muqdisho ka dhacay.

Filed under: News in English |

Muqdisho-Somalia-Sept03-10-(SDN)-Waxaa magalada Muqdisho ka dhacay kullan ay kasoo qayb galeen ururo kala duwan oo ka socday Haweenka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed iyo waliba maamulka gobalka Banadir.

Kullankan oo xarunta maamulka Gobalka Banadir ee magalada Muqdisho a ku qabsoomay maanta ayaa waxaa looga hadlayay arimo badan oo ku saabsan doorka haweenka ee horumarinta bulshada iyo waliba sida ay u midoobi karayaan haweenka Soomaaliyeed kagana qayb qaadan lahaayeen nabad kusoo dabaalida dalka.

Gudoomiyaha gobalka Banadir Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa dhanka maamulka gobalka Banadir ku matalayay kullanka. Wuxuuna munaasabada ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo fara badan uu kaga hadlayay.

 

Waxa uu gudoomiyuhu u mahad celiyay haweenka Soomaaliyeed iyo ururadooda kala duwan ee munaasabada soo qaban qaabiyay. Isagoo ku tilmaamay haweenka kuwa kaliya ee ka qayb qaata horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Kaalinta Haweenka ayuu sheegay gudoomiyuhu inay ahayd mid muuqata tan iyo markii loo dagaalamayay xorinimo u raadinta dalka Soomaaliya Tobanaan Sano ka hor.

Ururada munaasabada kasoo qayb galay ayuu ugaga mahad celiyay gudoomiyaha gobalka Banadir ahna duqa Muqdisho dadaalkooda ku saabsan ka qayb qaadashada sidii wax looga badali lahaa xaaladaha cakiran ee ka jira dalka.

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadashay gudoomiyaha Ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed, oo ururkeedu uu lahaa qaban qaabada kullankan.

Marwa Caasha Cumar Gees-Diir oo ka hadlaysay kullanka iyo waxyaabaha loogu tala galay ayaa waxa ay sheegtay in ay iyaga ka codsadeen gudoomiyaha gobalka Banadir inuu kala soo qayb galo kullankan oo ahaa mid looga hadlayay sidii loo badbaadin lahaa umada Soomaaliyeed oo dhibaato ku jirta.

Waxay sharaxaad ka bixisay Marwa Caasha ururkeeda iyo waliba waxyaabaha uu qabto. Iyadoo sheegtay in Ururka la dhisay Bishii July ee sanadkan si loo horumariyo haweenka oo midnimo looga dhex sameeyo.

Afhayeenka Ururkan Marwa Canab Xassam Cilmi ayaa iyaduna ka hadashay kullanka. Waxayan sheegtay in ay doonayaan baraarujinta bulshada Soomaaliyeed oo ay sheegtay in ay waxgaradkoodii ka dhinteen, loona baahanyahay in la daba qabto inta ka hartay umada oo la horumariyo.

Waxaa sidoo kale ka qayb galayaashii kullanka ka mid ahayd Gabar dhalinyaro ah oo ku hadashay magaca urur dhalinyaro oo Haweenku ay leeyihiin, kaas oo howshiisu tahay horumarinta bani’aadamka iyo la dagaalanka gaajada, marka lasoo gaabiyana loo yaqaan (PAHDA).

Ayaan C/llahi Malayac oo hadal dheer kasoo jeedisay xaflada ayaa si wayn uga hadashay aragtidooda ku aadan dhibaatooyinka heysta Bulshada Soomaaliyeed oo ay Haweenku qayb ka yihiin.

“Waxaan ka xunnahay dhibaatooyinka dalka ka jira ee sida gaarka ahna u saameynaya haweenka. Waxaan u sheegeynaa dowladda KMG ee Soomaaliyeed iyo dhinacyada kala duwan ee bulshada inaan diyaar u nahay wax ka qabashada dhibaatooyinkaas oo aan ka shaqayno horumarinta bulshada Soomaaliyeed” ayeey tidhi Ayaan oo khudbad qiira leh waqti dheerna socotay goobta ka jeedisay.

Waxaa sidoo kale kullanka kasoo qayb galay, hadalna ka jeediyay urur dhalinyaro oo madax banana, laguna magacaabo SOYMA. Kaas oo gudoomiyihiisu uu hadal goobta ka jeediyay.

Si kastaba ha ahaatee munaasabadan ayaa qayb ka ah kuwo iyada nooceeda ah oo in mudo ahba ka soconayay Muqdisho. Kuwaas oo ay qaban qaabadoodu leeyihiin qaar ka mida Ururada haweenka Soomaaliyeed iyo dhinacyo kale oo bulshada rayidka ka tirsan.

Gudoomiyaha maamulka Gobalka Banadir Mr Tarsan ayaa tan iyo markii xilkan loo soo magacaabay waxa uu waday dadaalo uu kullamo gaar gaar ah iyo is fahan kula samaynayo ururada bulshada rayidka oo ay haweenkuna qayb ka yihiin. Waxaana uu la kulmay dhowr ka mida ururadaasi oo uu kala hadlay sida loo dhamayn karo dhibaatada heysata bulshada Soomaaliyeed.

 

 

Newsdesk-Muqdisho-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>