Hargeysa-Somaliland-Sept01-10-(SDN)-Siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ah masuuliyiinta mudada dheer ku soo jira siyaasadda mandaqada, ayaa lagu wadaa inuu Ciidda Ramadaan oo ay inaga xigaan maalmo koobani ka soo dego garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.
Sida Shabakadda Somalilandpress u xaqiijiyay Wiil uu dhalay Jeneraal Qaalib oo ku sugan magaalada Hargeysa, socdaalka uu dalka ku imanayo waxa uu ka dambeeyaa kadib markii is-afgarad uu dhex-maray xukuumadda Somaliland ee dhawaan xilka la wareegtay ee la soo doortay. Isla markaana Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed oo u waramayay weriye Cabdiqani Xuseen Baynax iyo xafiiska Somalilandpress ee Hargeysa, ayaa sheegay in aabihii uu xilligaas si rasmiya u iman doono Hargeysa. Hase yeeshee, ma jiraan warar rasmiya oo cadaynaya imaatinka Jeneraal Jaamac iyo weliba ilaa hada waxyaabaha ay dawladda Madaxweyne Siillaanyo ka wada hadleen.
Dadka siyaasada u dhuun-daloola ayaa waxay sheegayaan in Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib iyo Madaxweyne Axmed-Siillaanyo ay ahaayeen saaxiibo isku dhaw, iyada oo Jeneraalku xidhiidh adag la lahaa Md. Siillaanyo waqtigii uu Ururkii SNM hogaaminayay, isla markaana uu siin jiray warbixino siro ahaa oo ku saabsan hadba halkii xaal marayay, xataa isaga oo ka tirsanaa waqtigaas dawladii Maxamed Siyaad Barre, kuna sugnaa magaalada Muqdisho.
Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo Wasiirkii Arrimaha Guddaha Dawladii Soomaaliya ugu mudada dheeraa, lana sheegay inuu ahaa kii ugu awoodda badnaa, ayaa arrimihii ay isku khilaafeen Maxamed Siyaad Barre waxa ugu waynayd isaga oo lagu eedeeyay kaaimihii uu ka ciyaaray taabo-gelinta Ururkii dib-u-xoraynta dalka ee SNM.
Jeneraal Jaamac Yare oo ka tirsan Inter-Poll ama Booliska Caalamiga ah, ayaa sidoo kale xubin ka ahaa Baarlamaankii ugu horeeyay ee Somaliland yeelato waqtigii maamulkii SNM xilka wareejiyay, waxaana uu hada ka mid yahay siyaasiyiinta ugu magaca wayn Somaliland iyo Somalia-ba.
Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu dambaysay Somaliland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo sanadkii 2003-dii, waqtigaas oo uu safar aanu ku guulaysan ku yimi dalka, ka dib markii ay xabsiga u taxaabay xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale, iyada oo weliba dalka laga mastaafuriyay, sidaa aawadeed-na waxa uu u sii gudbay dhinaca dalka Djibouti, halkaasoo marka horeba uu socdaalkiisu ku jeeday si uu uga qaybgalo shir waqtigaa halkaa ka dhacayay
Ogaal
Newsdesk-Hargeysa-Somaliland