Muqdisho-Somalia-Sept03-10-(SDN)-Gudoomiyaha gobalka Banadir ahna duqa magalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa Kooxda Shabaabka ee ka horjeeda dowladda KMG iyo Xoogaga AMISOM, dagaal xooganna kula jirta waxa uu dusha kaga tuuray mas’uuliyadda qaraxyada lala beegsado dadka ka shaqeeya howlaha nadaafada ee gudaha Muqdisho.
Mr Tarsan oo ka hadlayay kullan ay Shalay isugu yimaadeen xubnaha qaar ka mida Ururada arimaha bulshada, gaar ahaanna kuwa Haweenku ay leeyihiin, loogana hadlayay doorka Haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin wax u qabashada bulshada dhibaataysan ayaa waxa uu soo hadal qaaday qorshayaal uu maamulkiisu wado oo ku aadan wax ka qabashada arimaha nadaafadda gobalka Banadir.
“Waxaan doonaynaa inaan fuustooyin qashinka lagu shubo dhigno xaafadaha ay dowladdu ka taliso ee magalada. Waayo waxaa batay dhibaatada ay dadku qashinka kala kulmaan oo meel lagu shubana la waayay” ayuu yidhi Mr Tarsan .
Waxa uu gudoomiyuhu cadeeyay in ay cabsi ka qabaan marka ay fuustooyinkaas keenaan oo ay shaqaale ka howlgala u sameeyaan lala soo beegsado shaqalaahaas rayidka ah qaraxyo lagu dhibaateynayo oo uu sheeegay inay fulintooda ku caan baxeen kooxaha dowladda ka horjeeda.
“Waxaa lala beegsan doonaa marka ay Fuustooynkaas shaqaalaha ka shaqaynaa bilaabaan howlaha lagu daabulayo qashinka, qaraxyo lagu dhibaateeynayo oo horayna u dhacay” ayuu ku celiyay isagoo is waydiiyay sababta dadkaas rayidka ah loo beegsanayo iyo in ay shaqaalahaas masaakiinta ahi yihiin madaxda dowladda ama Siyaasiyiin.
“Si kastaba oo ay ahaataba, anagu marna kama hari doono inaan ka shaqayno howlaha lagu nadiifinayo Caasimadda, waxaana haweenka Soomaaliyeed hadii aad tihiin idinka codsanaynaa inaad shaqadaas gacan ka geysataan”ayuu mar kale yidhi gudoomiyaha isagoo si gaar ah ula hadlayay madaxdii ururada haweenka iyo gabdhaha dhalinyarada iyo kasoo qayb galayaashii kale ee kullanka.
Dhowr jeer ooh ore ayaa qaraxyo ay dad badan oo masaakiin ah ku dhinteen waxaa lala beegsaday shaqaale rayid ah oo howlo nadaafad ah ka waday meelo ka tirsan Muqdisho. Kuwaas oo howlahaas ka helayay lacago yar yar oo ay quudka caruurtooda ee maalintaas ku maareeyaan.
Inkastoo aan si dhab ah loo ogayn cidda ka dambeysa qaraxyadaas oo midkii u dambeeyay uu maalmo ka hor la kacay gaari ay dad shacab ah oo arday u badani saarnaayeen xilli la doonayay in lala beegsado shaqaale howlo lagu dayactirayo wadada ka waday meel u dhaw halka uu gaarigu marayay, ayaa hadana waxay dadka wax falanqeeya leeyihiin, waxaa suurta gal ah in dadkaas shaqaalaha ah oo iyagu maal galinta ka hela dowladda KMG ee Soomaaliya ay qayb ka noqdaan is raad raadisga iyo colaadda ka dhexeysa dowladda iyo Xoogaga ka horjeeda oo waji waliba ku socon karta.
Qaraxi doraad dhacay ee ugu dambeeyay waxa uu ka dhacay meel ay howl lagu daboolayo meelaha godadka ah ee ku yaala Wadada Warshadaha ka wadeen dad shacab ah oo ay soo uruurisay Wasaaradda arimaha gudaha oo howshaas maamuleysay. Waxaana meelaha noocaas ah ee wadooyinka ku yaala ay yihiin halka inta badan lagu aaso Miinooyinka lala beegsado Gaadiidka Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee goobahaas mara. Sida Saraakiisha dowladda iyo kuwa Ciidamada shisheeye qaarkood ay qabaan.
Newsdesk-Muqdisho-Somalia