Dowladda KMG oo ka hadashay qarax ay dad rayida ku wax-noqdeen oo Muqdisho ka dhacay.

Filed under: News in English |

Muqdisho-Somalia-Sept01-10-(SDN)-Ka dib qarax ay dad rayida oo fara badani ku dhinteen oo Shalay galinkii dambe ka dhacay Magalada Muqdisho ayaa waxaa arintaas war kasoo saartay dowladda KMG ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa loogaga hadlay Qaraxii Shalay ka dhacay Wadada Warshadaha ee magalada oo Muqdisho oo khasaara gaarsiiyay dadweyne saarnaa gaadiid marayay halkaasi.

Qaraxaas oo la kacay Saddex ka mida Gaadiidka dadweynaha, xilli ay marayeen Wadadaasi ayaa waxaa lagu sheegay War-Saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda in ay ku dhinteen arday ka tirsan kuwa wax ka barta magalada Muqdisho.

Illaa Saddex Gabdhood oo arday ah, waxna ka baranayay Machadka lagu magacaabo SIMAD oo ku yaala Muqdisho ayaa ku dhintay qaraxaasi. Kuwaas oo xilliga ay dhimanayeen kasoo rawaxeen Iskuulka, kuna jeedeen gurigooda.

Gabdhaha ardayda ah ee dhintay ayaa sida warka lagu sheegay waxay da’doodu u dhexeysay 19 illaa 20 sano. Waxaana falkaasi ay gabdhahaasi ku dhinteen lagu sheegya mid arxan daro ah oo ciddii fulisayna ay tahay mid aan wax naxdin ah lahayn. Sida warka lagu sheegay.

Qaraxan oo dhacay Shalay ayaa waxaa ku geeriyooday in ku dhaw 6 qof oo dhamaantood ahaa dad rayida oo saarnaa Gaadiidka ay Miinada dhulka lagu aasay ee qaraxa fulisay la kacday.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in dowladda KMG ee Soomaaliya ay taczi u direyso ehelada dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ka dhacay Wadada Warshadaha. Waxaana kuwii ku dhintay illahay looga baryay inuu u naxariisto kuwa ku dhaawacmayna caafimaad siiyo.

Markii uu falka qaraxa ahi halkaas ka dhacayna, waxay taas ku kaliftay in badan oo ka mida dadweynaha iyo waliba Gaadiidleyda inay cabsi ka dareemaan isticmaalka Wadadaasi. Qaarkoodna waxay go’aansadeen in ay shaqadda joojiyaan. Sida uu mid ka mida gaadiidleyda inoo sheegay.

Halka uu qaraxu ka dhacay oo ah Wadada Warshadaha ayaa waxay iminka tahay meesha kaliya ee ay sida aadka ah u isticmaalaan gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha Muqdisho. Ka dib markii ay xirmeen wadooyinkii aas aasiga u ahaa isku xirka ganacsiga iyo dadweynaha Muqdisho dagaaladda soconayaa dartood.

Waxaana inkastoo cid mas’uuliyadda Qaran sheegatay aanay jirin, hadana Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya oo goobta uu falku ka dhacay yimid markii uu qaraxu dhacay ka dib ku eedeeyay Xoogaga Shabaabka inay fuliyeen qaraxaasi. isagoo taas u sababeeyay qaraxyo horay halkaa uga dhacay oo ay iyagu ka dambeeyeen.

 
Newsdesk-Muqdisho-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>