Dowladda KMG ee Soomaaliya oo beenisay in Sarkaal u goostay Shabaabka uu iyada ka tirsanaa.

Filed under: News in English |

Muqdisho-Somalia-Sept02-10-(SDN)-Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa wax kama jiraan ku tilmaamtay warar Shalay kasoo baxay Kooxda Shabaabka oo ay ku sheegeen in sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada dowladdu uu dhankooda usoo goostay.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta dowladda KMG ee Soomaaliya C/risaaq Qeylow oo arintan kala hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in uusan jirin warka sheegaya in Sarkaal dowladda Ciidamadeeda ka tirsan uu dhanka Shabaabka u baxsaday.

Mr Qaylow waxa uu xusay in dhamaan xubnaha dowladda ku jira ay si wayn uga warqabaan waxa ay Shabaabku yihiin. Isla markaana aanu jirin cid doonaysa in ay Shabaabka ku biirto.

Afhayeenka waxa uu intaas ku daray in ay jiraan qorshayaal ay Shabaabku ku aruurinayaan rag ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo anshax xumo iyo khaladaad ay galeen looga saaray Ciidanka. Kuwaas oo ay doonayaan in ay ka dhigaan rag dhankooda usoo goostay.

“Askari sharaf leh oo dowladda ka tirsan inuu Shabaab u galo, waa Xaashaalilaah. Wax dhici karana ma ahan” ayuu yidhi Qaylow oo warka arintaas ku saabsan ku tilmaamay been abuur aan sal lahayn oo ay Shabaabku caan ku yihiin.

Shalay ayaa mas’uuliyiin Shabaabka ka tirsan waxay Saxaafadda usoo bandhigeen nin la sheegay inuu Saraakiisha Sare ee Ciidanka dowladda ka tirsanaa. Kaas oo isaga laftiisa qirtay inuu kasoo goostay Ciidamada dowladda markii uu arkay inay ka baxsanyihiin diinta Islaamka oo ay gaaladda la shaqeeynayaan sida uu hadalka u dhigay.

Dhowr jeer oo horana sidaan oo kale ayeey Shabaabku usoo bandhigeen rag ay sheegeen inay Ciidamada dowladda kasoo goosteen. Halka dhanka dowladdana ay iyaduna xilliyada qaar tallaabo ceynkan ah ku dhaqaaqdo.

 
Newsdesk-Muqdisho-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>