Degmada Burtinle ee gobalka Nugaal oo golle-deegaan loo sameeyay.

Filed under: News in English |

Burtinle-Puntland-Sept02-10-(SDN)-Guddiga ku howlan dhisida gollayaal deegaan oo ay yeeshaan degmooyinka maamul gobaleedka Puntiland ayaa waxaa uu maant aku guuleystay dhisida golle deegaan oo ay yeelato degmada Burtinle ee gobalka nugaal.

Howshan ayaa waxay hirgashay ka dib kullamo saddex maalmood socday oo ay yeelanayeen odayaasha iyo waxgaradka deegaanka iyo waliba mas’uuliyiinta gudiga dhisida gollayaasha deegaanka ee Puntiland.

Gollaha cusub ee deegaanka degmada Burtinle ayaa ka kooban gudoomiye, ku xigeen iyo xubno. Waxaana gudoomiye loo doortay Mudane Axmed Khaliif Faarax, halka ku xigeenna laga dhigay Mudane C/raxmaan Maxamuud Faarax.

Mas’uuliyiin isugu jiray wasiiro, xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsan dowlad gobaleedka Puntiland ayaa kasoo qayb galay munaasabada loogu dhawaaqayay gollaha deegaanka degmada Burtinle.

Wasiir ku xigeenka wasaaradaha Haweenka iyo arimaha Qoyska Puntiland Marwo Zeynab Ugaas Yaasin ayaa ka mid ahayd mas’uuliyiintii munaasabad ka qayb gashay. Waxayan wax wanaagsan ku tilmaamtay tallaabadan gollaha deegaanka loogu sameeyay degmada Burtinle.

Degmooyin ay ka midyihiin Jariiban, Qardho iyo Garowe oo xarunta maamul gobaleedka Puntiland ah ayaa horay gollayaal deegaan loogu soo sameeyay. Waxaana wali soconaya qorshaha uu guddigan wado ee lagu samaynayo gollayaasha deegaanada degmooyinka kala duwan ee Puntiland.

Waxaa jiro degmooyin aan wali lagu guuleysan dhisida gollahooda deegaanka, kuwaas oo khilaafyo arintaas ku saabsan ay jiraan. Waxaana ka mida degmada Goldogob ee gobalka Mudug iyo deegaano kale.

Maamulka Puntiland oo si toos ah loo dhisay Sanadkii 1998-kii ayaa waxa uu gacanta ku hayaa gobalo gaaraya illaa Afar gobal oo dhowr degmo ka kooban. Waxaana halkaas ka jira maamulo degmo iyo kuwo gobal oo dhamaantood hoos taga maamulka dhexe ee dowlad gobaleedka Puntiland.

 

Newsdesk-Muqdisho-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>