Ciidamada AMISOM oo la sheegay inaanay ka baxayn Somalia, balse lasii kordhin doono.

Filed under: News in English |

Muqdisho-Somalia-Sept01-10-(SDN)-Sida laga soo xigtay mid ka mida mas’uuliyiinta gollaha Amaanka iyo nabad galiyada Midowga Africa, waxuu golluhu go’aansaday in aanay marna kasoo bixin dalka Soomaaliya Ciidamadiisa halkaas jooga ee ka qayb galaya howlgalka loogu magac daray AMISOM.

Santana Lamamra oo ah gudoomiyaha gollaha Amaanka iyo nabadgaliyada Midowga Africa oo isagoo ku sugan dalka Masar la hadlayay Saxaafadda ayaa xusay in aysan waqti dhaw soo bixi doonin Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Wuxuu Mr Lamamra ku xiray soo bixitaanka Ciidamada AMISOM in ay dowladda KMG ee Soomaaliya la wareegto awooda maamul ee dalka guud ahaan. Isagoo intaas ku daray in howsha Ciidamada AMISOM oo ahayd dhowr qaybood ay ku tala jiraan dhamaystirkeeda.

Saddex Wareeg ayeey ka koobnayd howsha Ciidamo geeynta Soomaaliya ee midowga Africa sida uu Mr Santana xusay. Kuwaas oo kala ahaa in marka hore illaa 8-kun oo Askari la geeyo Soomaaliya, in la kordhiyo Ciidamadaasi iyo in marka ay baxayaan la dhamaystiro qorshaha ay ku baxayaan.

Wareega ugu horeeya howshaasi oo ah in Ciidamada la keenayaa ay gaaraan illaa 8-kun oo Askari ayuu mas’uulkani sheegay in ay habsaam noqotay, balse iminka ay kala tashanayaan dowladaha ugu waa weyn Caalamka sida Mareykanka sidii loo keeni lahaa inta ka harsan Ciidamadaasi.

Dowladda KMG ee Soomaaliya oo waqtiga loogu tala galay in ay awooda maamulka dalka heyso uu aad u yaryahay ayuu Mr Lamamra sheegay in midowga Africa uu ku dadaali doono, sidii inta yar ee waqtigeeda ka haray loo suurta galin lahaa fulinta qodobadii loo xil saaray.

Hadalka mas’uulkan ka tirsan Midowga Africa ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaanahanba la hadal hayay in Ciidamo dheeraad ah oo ka socda Midowga Africa lagu soo biirinayo kuwa jooga iminka Muqdisho oo illaa Lix Kun gaaraya. Waxaana maalmahanba jiray warar sheegaya in qaar Ciidamadaasi ka mida ay durbaba soo gaareen Muqdisho. Wallow aan si cad loo shaacin arintaasi.

 
Newsdesk-Muqdisho-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>