Muqdisho-Somalia-Sept03-10-(SDN)-Waxaa habeenkii Xalay ahaa ka hirgalay magalada Boosaaso howlgal ay Ciidamada amaanku ka samaynayeen xaafadaha kala duwan ee magalada oo lagu baadi goobayay dad iyo waxyaabo kale oo amaanka ka dhan ah.
Sida qaar ka mida dadka deegaanka oo aan Saakay la xiriirnay inoo sheegeen, Ciidamo badan oo kuwa amaanka ka tirsan ayaa Xalay lagu dhex arkayay magalada iyagoo baaritaano ku haya dadka iyo goobaha ganacsiga iyo waliba guryaha ku yaala magalada.
Ciidamada ayaa sida ay goob joogayaashu inoo sheegeen waxay kusoo qabteen howlgaladooda dad lagu tuhmayo inay falal amni daro ah oo magalada ka dhacay ku lug leeyihiin.
“Wiil aan walaalo nahay ayeey watteen, laakin markii dambe waa ay iska soo daayeen. Waxayna waydiiyeen su’aalo dhowr ah oo ay ku baadi goobayeen arimo amaanka ku saabsan”sidaana waxaa yidhi mid ka mida dadka deegaanka oo aan khadka telfoonka kula xiriirnay.
Howlgalkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa waxay Ciidamadu wadeen saacado dhowr ah. Waxayna kusoo qabqabteen dad fara badan oo qaarkood ay iska sii daayeen markii su’aalo la waydiiyay ka dib.
Dadka kale ee ay Ciidamadu ku kaxeysteen howlgaladan oo aan tiradooda la cayimin ayaa waxaa loo waday dhanka Saldhigyada ay Ciidanku ku leeyihiin gudaha magalada.
Wax war ah oo howlgaladan ku saabsan kama soo bixin maamulka gobalka Bari iyo waliba taliska Ciidamada amaanka Puntiland. Hase yeeshee waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo noqnoqonayay howlgalada ay Ciidamadu ka samaynayaan gudaha magalada Boosaaso. Tan iyo markii halkaas ay ka dhaceen falal amni daro oo dilal ay ku jireen.
Newsdesk-Muqdisho-Somalia