Muqdisho-Somalia-Sept01-10-(SDN)-Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka digtay in ay gudaha muqdisho ka dhacaan weeraro loo adeegsanayo Diyaaradaha dagaalka oo lala beegsado goobaha ay dagaalyahankeedu ku suganyihiin. Ka dib markii uu sii daba dheeraaday dagaalka ay Kooxdu kula jirto dowladda KMG ee Soomaaaliya.
Hadalkan waxaa sheegay gudoomiyaha maamulka Shabaabka ee gobalka Banadir Sheikh Cali Maxamed Xussein, xilli uu ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigay Gawaari nooca gurmadka deg dega ka shaqeeya ah oo ay Xarakadu ugu tala gashay dadka ku waxyeelooba dagaalada soconaya.
“Waxaa hubaal ah in Cadawgu uu nagu soo qaado weeraro cirka ah oo diyaarado loo adeegsanayo, kuwo Maraakiibta dushooda laga soo hagayo iyo dhinac walba oo uu naga soo weeraro. Ka dib markii dagaalkii dhulka aan ku jabinay” ayuu yidhi Sheikh Cali oo intaas ku daray in Shacabka ay ka dalbanayaan in uu garab istaago si ay uga adkaadaan dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.
“Cadawgu waxa uu inoo diiday in aan diinteyna ku dhaqano oo aan nabad ku noolaano, sidaas darteed waa in aan iska kaashaan iska dhicintiisa” ayuu mar kale yidhi Sheikha.
Mar uu ka hadlayay Gaadiid illaa Labo gaaraya oo nooca Amplunce-ka gurmadka deg dega ah fuliya ah oo uu maanta usoo bandhigay Saxaafadda ayuu gudoomiyaha Shabaabka gobalka Banadir waxa uu xusay in gaadiidkaasi ay qayb ka qaadan doonaan gargaarka loo fidinayo dadka ay waxyeeleeyaan madaafiicda ay Ciidamada AMISOM kusoo gaaraacaan Suuqa Bakaaraha iyo goobaha ku dhaw dhaw.
Waxa uu tibaaxay in ay sameeyeen telfoono u gaar ah gaadiidkan oo cid kastaba ay soo wici karto hadii ay u baahato in loo gurmado. Kuwaas oo lambaradoodu ay kala yihiin 118 iyo 117. isagoo shaaca ka qaaday in si bilaash ah ay gaadiidkan ugu shaqayn doonaan bulshada.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Gaadiid ka shaqeeya howlaha gurmadka deg dega ah laga hirgaliyo Muqdisho.
Waxaa horay u jiray Gaadiid ay hirgalintiisa iska kaashadeen Shirkadda isgaadhsiinta Nation Link iyo hey’ad lagu magacaabo Life Line Africa oo ka dhex shaqeeya degmooyinka Muqdisho si uu u daabulo dadka ku wax noqda madaafiicda iyo rasaasta kala duwan ee ay dhinacyada is dagaalayaa is dhaafsadaan.
Newsdesk-Muqdisho-Somalia