Alshabab oo Beled-Weyne ka bilaabay howlgalo lagu qabqabanayo dadka cuna iyo kuwa ka ganacsada Qaadka .

Filed under: News in English |

Baladweyne-Somalia-Sept02-10-(SDN)-Wararka naga soo gaaraya magalada Beled-Weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ay halkaas ka bilowdeen howlgalo ay wadaan Ciidamada Shabaabka oo ka dhan ah dadka ka ganacsada iyo kuwa Cuna Qaadka.

Ku dhawaad 6-qof oo ka mida dadkaasi ayaa lagu soo qabqabtay howlgalo ay Ciidamada Shabaabku saacadihii ugu dambeeyay ka sameeyeen magalada Beled-Weyne.

Mas’uuliyiinta Shabaabka ee gobalka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in howlgaladani yihiin kuwo ka dhan ah Qaadka. Waxayna ugu baaqeen dadka ku dhaqan magalada inaanay ku ganacsan isla markaana cunin qaadka .

Qaadka oo ah Dhir ay cunaan dad badan oo Soomaali ah ayeey Shabaabku ka mamnuuceen deegaanada ay ka taliyaan oo Beled-Weyne ay ku jirto. Waxayna dadka magaladaas ku nool ku amreen inaanay gudaha magalada ku dhex iibin kuna cunin qaadka.

Meelo ku yaala daafaha magaalada ayeeyna u cayimeen Shabaabku in lagu cuno ama lagu iibiyo Qaadka.

 

 
Newsdesk-Muqdisho-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>