Muqdisho-Somalia-Sept01-10-(SDN)-Tan iyo waqti aan dhawayn waxaa la hadal hayay in ay jiraan qorshayaal ay wadaan mas’uuliyiinta ugu sareysa Ururada Islaamiga ah ee ka horeeda dowladda KMG ee Soomaaliya. Kuwaas oo doonaya in ay ku midoobaan hal maamul oo ka dhexeeya si ay meel ugaga soo wada jeestaan dowladda KMG iyo Xoogaga Shisheeye ee gacanta siinaya.
Wararkan oo marba marka ka dambeysa sii baahayay ayaa waxa kuwoodii ugu dambeeyay ee soo baxay ay sheegayaan in ay iminka soconayaan kullamo ay yeelanayaan gudiyo ka kala socda Ururada Alshabab iyo Xizbul Islaam oo doonaya in lasoo dhameeyo qodobo ay labada dhinac isku mari waayeen oo ku aadan midoobidooda.
Sida Idaacadda Shabelle oo ka mida Idaacadaha Maxaliga ah, soona xiganaysa illo wareed dhinacyadaas ku dhaw dhaw ay baahisay maanta, waxay labada dhinac iminka marayaan meel hagaagsan oo wada-hadalkooda ah. Waxaana laga yaabaa in waqtiyada soo aadan ay soo dhameeyaan oo ay isku afgartaan waxyaabaha ka dhexeeya.
Guddiyo labadooda dhinac matalaya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay lahaayeen kullamo xasaasi ah oo ay kaga hadlayeen arimo dhowr ah oo is af-garan waaga labada Kooxood uu ku qotomo.
Waxaa ka mida qodobada ay labada dhinac isku afgaran waayeen oo iminka laga doodayo, magaca ay qaadanayaan marka ay midoobaan labada Kooxood iyo sida awooda loo qaybsanayo iyo arimo kale.
Kooxda Shabaabka oo iyadu lagu sheego mida ugu xooga badan kooxaha ka horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya, waxay qabtaa in Kooxda Xizbul Islaam ay isaga harto magaceeda, kuna soo biirto Shabaabka oo ay magacaas qaadato.
Balse Xizbiga oo uu hogaamiyo Sheikh Xassan Dahir Aways oo mar isbahaysi la ahaa madaxweyne Shariifka dowladda KMG ee Soomaaliya horkacaya, wuxuu qabaa in aanay macquul ahayn in ay kooxdu qaadato Magaca Shabaabk. Laakin loo baahanyahay magac kale oo labadooduba ay ku midoobaan.
Marka laga hadlo dhanka awood qaybsiga, waxaa sidoo kale ka taagan qodobkaas dood xoogan oo salka ku haysa cidda noqonaysa hogaanka marka ay labada kooxood midoobaan, iyo waliba sida jagooyinka muhiimka ah loo kala qaadanayo.
Sidoo kale waxay labada dhinac ka wada hadlayaan inay fakar mid ah ka qaataan dagaalada ay kula jiraan dowladda iyo Ciidamada AMISOM.
Maalin ka hor waxaa arintan ka hadlay Sheikh Xassan Dahir Aways. Waxaana uu ugu baaqay kooxaha Islaamiyiintu inay ka wada midoobaan dagaalkooda ayna ka heshiiyaan wax kasta oo ka dhex jira.
Horay waxaa sidaas oo kale uga hadlay arinta midnimada Xoogaga Mucaaridka, Sheikh Abu Mansuur oo mar ahaa afhayeenka Shabaabka, hadase ka mida saraakiisha ugu sareysa kooxda.
Si kastaba ha noqotee wax war ah oo arimahan ku saabsan wali lagama hayo dhinacyadaasi. Marka laga reebo warar hoosaadyada soo baxaya.
Laakin waxaa si cad loo arki karayaa khilaafaad labada dhinac u dhexeeya, inkastoo aanay ahayn kuwo dadka loo muujiyay.
In dhawaalaba Xoogaga Shabaabku waxay la wareegayaan maamulada degmooyin dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha dalka. Halkaas oo ay ka talin jireen Ciidamada Xizbiga. Waxaana ka mid ahaa magalada Beled-Wayne ee gobalka Hiiraan.
Arimahaas oo dhan, ayaa inkastoo inta indheer garadka ahi ay ka dhadhansan karayaan is qoomid labada dhinac ka dhex jirta. Hadana waxay yihiin kuwo ay mas’uuliyiinta labada dhinac sacabada ku dadaann. Iyagoo ku tilmaama wax ay buun-buuniyaan cadawgooda oo doonaya xurguf ka dhex dhalata Xoogaga Islaamiyiinta.
Newsdesk-Muqdisho-Somalia