Bay-Somalia-Sept03-10-(SDN)-Wararka naga soo gaaraya deegaanada ku yaala inta u dhexeysa gobalada Bay iyo Bakool ee Koofur galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in ay halkaas ka jiraan xaaladdo abaareed oo aad u daran. Kuwaas oo dhaliyay dhibaatooyin nololeed oo dadka iyo duunyadaba soo food saaray.
Deegaanada loo yaqaan dhulka Jaleecan oo u dhexeeya labada gobal ayaa dadka ku nool ee reer miyiga ah oo u badan Xool-dhaqato waxay iminka ku suganyihin xaaladdo nololeed oo aad u xun. Ka dib markii wax roobab ah aanay halkaasi ku di’in dhowr xil roobaad oo lasoo dhaafay.
Mid ka mida dadka deegaanka oo magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdi ayaa isoo la hadlayay warbaahinta gudaha waxa uu qayla dhaan ka muujiyay nolosha heysta dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool dhulkaasi. Waxaana uu ka dayriyay abaaraha jira oo aad usii darsanaya.
Xoolaha ay dadkaasi dhaqdaan ayuu sheegay Maxamed inay la’yihiin dhul ay daaqaan. Waxaana taas ugu wacan dhirtii ay daaqi lahaayeen oo goor hore dhulka laga xaalufiyay, markii ay halkaas kusoo bat teen kooxaha ka shaqaysta dharista dhirta oo u badala dhuxul, dibaddana u dhuufista.
Wuxuu hadalkiisa ku daray in meesha ugu dhaw ee ay Xoola dhaqatadu ugu dhaan doonaan xoolahooda ay u jirto deegaanka wax ka badan 10 KM . taas ayaana ah mid sii cakirin karta nolol xumada ay abaartu dhalisay.
Ninkan ka tirsan dadka deegaanka ayaa ka codsaday hey’adaha deeqda bixiya iyo shacabka Soomaaliyeed oo dhan inay gargaar u fidiyaan dadka ku dhibaataysan goobahan ay abaaruhu ka jiraan.
Gobalada Koofureed ee dalka ayaa qaar badan oo ka mida waxay iminka ku jiraan dhibaatooyin ay ka dhaxleen abaaro xoogan oo goobahaas ka jira. Mana jiro wax gargaar ah oo ku filan oo la gaarsiisay dadkaasi. Iyadoo ay ugu darsoomeen abaarahaasi dad badan oo ka mida kuwii ka cararay dagalada Muqdisho oo dul dagay dadkaasi.
Newsdesk-Muqdisho-Somalia