Muqdisho-Somalia-Aug31-10-(SDN)-Dowladda dalka Uganda ayaa diyaar la ah ku dhawaad 10-kun oo Askari oo dheeraad ah in ay usoo dirto Soomaaliya, si ay uga qayb noqdaan howlgalka midowga Africa ee nabad ilaalinta Soomaaliya oo AMISOM loo yaqaano.
Hadalkan waxaa laga soo xigtay Sarkaal sare oo ka tirsan Milatariga dalkaasi Uganda. Wuxuuna xusay in ay dowladiisu diyaar la tahay kordhinta Ciidamadeeda jooga Soomaaliya oo illaa 10-kun ay gaarsiinayso si ay uga mira dhaliyaan howsha nabad ilaalinta iyo ka hortagga kooxaha Islaamiyiinta oo kusii xoogaysanaya Soomaaliya.
Gen Arounda Nayakira oo Wargeyska The Daily Monitor oo dalka Uganda kasoo baxa la hadlayay ayaa intaa ku daray in soo dirista Ciidamadaasi Tobanka Kun gaaraya ay suurta gali karto oo kaliya hadii ay ballan qaad ka helaan dowladda Mareykana oo ku aadan in ay diyaar la tahay dhaqaalaha ku baxaya Ciidamadaasi.
Sarkaalkan ka tirsan Ciidamada Milatariga Uganda waxa uu carabka ku dhuftay in si dag dag ah ay u diri doonaan Ciidamadaasi, hadii kaliya ay helaan ballan qaadka Mareykanka ee ku aadan dhaqaalaha ku baxaya qorshahaasi.
Uganda waxaa ka jooga dalka Soomaaliya Ciidamo tiradoodu gaarayso in ka badan 2-kun oo Askari. Kuwaas oo qayb ka ah Ciidamada AMISOM ee tiradoodu ay dhantahay illaa 6-kun oo Ciidamo ka socda dalka Burundi ay ku wehliyaan.
Lacagaha ku baxaya Ciidamadaasi ayaa inkastoo uu bixiyo Midowga Africa oo qorshaha soo diritaankooda iska lahaa, hadana waxaa dadka xogta ka hayaa ay sheegaan in kaalin wayn ay ka qaadato dowladda Washington oo dhaqaalaha Ciidamadaas ku baxa gacan ka geeysata.
Hadalkan kasoo baxay Sarkaalkan ka tirsan Ciidamada Uganda ee sheegaya in ay Xukumada Kampalla diyaar la tahay Ciidamo dheeraad ah oo ay soo dirto, ayaa imaanaya xilli ay jiraan warar hoose oo laga helayo illo ku dhaw dhaw Ciidamada AMISOM ee jooga Muqdisho. Kuwaas oo sheegaya in tiro dheeraad ah lagu soo kordhiyay Ciidamadaasi maalmihii u dambeeyay.
Illo wareed diiiday in aan magac xusno ayaa inoo sheegay in labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay kasoo daggeen Garoonka diyaaradaha Muqdisho tiro fara badan oo ka tirsan Ciidamada loogu tala galay in ay qayb ka noqdaan kuwa AMISOM ee jooga dalka.
Howsha dajinta Ciidamadan oo aad u badan isla markaana watta Qalab dhamaystiran ayaa u soconaysa si qarsoodi ah oo aanay cidna ka war hayn. Sida xog-ogaalku uu inoo sheegay.
Ciidamadan cusub oo aan wali Saxaafadda loo shaacin ayaa waxay ka socdaan dalka Gini oo dhawaan ballan qaaday in uu Ciidamo ku darsanayo howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya.
Illaa iyo iminka ma jiro mas’uul ka tirsan AMISOM oo ka hadlay arintan. Waxaase ay tallaabadan hadii ay dhab tahay kusoo beegmaysaa xilli ay Ciidamadu ku jiraan dagaalkii ugu cuslaa oo ay maalmihii lasoo dhaafay la galayeen Xoogaga Shabaabka oo iyagu cadeeyay in aysan joojinayn dagaalka inta laga saaro Ciidamada AMISOM ee jooga Muqdisho.
Newsdesk-Muqdisho-Somalia