Sawirka maanta ee Soomaaliya iyo Saadaasha Mustaqbalka!! (Maqaal).

Filed under: News in English |

Soomaaliya waa dal ku yaala Cirifka Bari ee Qaarada Africa, oo ah halka ay Cadceedu aroorti kasoo wajahdo marka ugu horeysay Qaarada Madow.

Waa dal leh taariikh fog oo ku xusan baddi Buugaagta lagu qoro Taariikhda ee kala duwan, waxana ay dadkiisu xiriiro kala duwan lasoo yeesheen umadihii jiray Qarniyadii dhexe.

Dadka Soomaalidi ahi waa Muslim 100%. Waana dad wadaaga Luuqad, Midab, Dhaqan iyo waxyaabaha ay dadku wadaagaan oo idil.

Inkastoo aanay Soomaalidu horay u ahayn dad miizaan ku leh Siyaasada wixii ka horeeyay horaantii Qarnigii lasoo dhaafay, markaas oo ay kusoo baraarugeen gabood falkii uu gumeystihiii cadaanka ahaa ka waday gudaha dhulka Soomaaliyeed bilaabeena in ay iska dhiciyaan ayaa hadana waxay ahaayeen Soomaalida dad leh furfurnaan ay kula dhaqmaan umadaha kale ee dunida ayna kusoo dhawayn jiraan xilliyada ay soo gaaraan dhulkooda.

Waxay Soomaalidu kusoo baraarugeen Siyaasadaha una iftiintay cad-ceedii is maamulka xorta ah iyo dowladnimada markii ay qaateen Madaxbanaanidooda gaar ahaana gobaladii ka horay Soomaaliyadii uu gumeystuhu dhamaadkii Qarnigii 19-aad kala qaybiyay una kala dhigay 5-ta qaybood ee Soomaali-weyn oo kala ah (Soomaalida Waqooyi, Soomaalida Koofureed, Soomaalida NFD ee ay Kenya maamusho, Soomaali-Galbeed ee Itoobiya iyo Xeebta Soomaaliya ama Jabuuti).

Labadii gobal ee ka haray dhulalkaasi qaarkoodna dowlado kale gacanta loo galiyay qaarna iskood loo maamulayay ee Soomaali-Weyn qaybta ka ahaa ayaa waxay go’aansadeen waa Waqooyiga iyo Koofurtee in ay dhistaan dowlad Soomaaliyeed oo madax-banaan. Taas oo si toos ah u hirgashay Sanadkii 1960-kii duniduna u aqoonsatay magaca dowladda Jamhuuriyada Soomaaliya ee xorta ah.

Wixii waqtigaas ka dambeeyayna waxay Soomaalidu ahaayeen dad leh dowlad magac iyo miisaan intaba ku dhex leh bulsha waynta Caalamka.

Hadaba maqaalkan inkastoo aanay ku doonayn in aan sharaxaad dheer kaga bixiyo Taariikhda dowladnimo ee Soomaaliya iyo arimaha la midka ah, ayaa hadana waxaan usoo qaatay ka sheekeyntan kooban si aan gun-dhig ugaga dhigto tuducdan maqaalka oo sida ciwaankaba ka muuqato ah mid sawir ka bixinaya Soomaaliya iyo sida ay maantay tahay, saadaalinayana waxa ku xigi kara mustaqbalka dhaw waxa manta ka jira dalkii Soomaaliyeed.

Aqristaha Sharafta lahow hadii aan Sawirka Soomaaliya ee maanta ka bilaabano waxaa  marag ma doonta ah in qof kastaba uu ogyahay waxa Soomaaliya ay maanta hoy u tahay, iyo xaaladeedu sida ay tahay.

Laakin aan wax yar dib u jaleecno Soomaaliya iyo markii laga soo bilaab dowladdi Maxamed Siyaad Barre oo 20-Sano dalka ka ariminaysay ay awooda dalka heysatay sida ay ahayd, waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay waqtigaasi ka mid ahayd dalalka loogu jecel-yahay Africa, isla markaana sida aadka ah loo qadariyo.

Waxaan jeclahay inta aanan gudaha maqaalka u galin kana hadlin Sawirka maanta ee Soomaaliya oo qofkii eegaaba usoo muuqanayo dal burbursan, meel la isku gawraco, is- ixtiraam la’aan iyo kala carar heysta dadka u dhashay dalka iyo dhamaan waxa dhibaato dunida yaala oo hoy u ah dalkaasi. waxaan doonayaa in aan bal wax yar ka sheego dareenka ay dadka Caalamka ee maanta marka ay Soomaaliya maqlaan argagaxa ka qabeen dalka waayihii ka horeeyay fowdadan.

Wiil Soomaaliyeed oo ka yimid qurbaha ayaa iiga sheekeeyay qiso kooban oo dhex martay isaga iyo mid ka mida macalimiintii wax u dhigaysay xilli uu isagoo aad u da’ yar dhiganayay Iskuul ku yaala dalka uu ka yimid.

Waxa  uuna Sheekadiisa oo aad ii qiira galisay iigu bilaabay sida tan :-

Waxaan dhiganayay dugsi hoose oo ku yaala Norwey, waxana ahaa nin aad u da’ yar oo Soomaaliyana aan waxba ka aqoon maadaama la i keenay dalkaasi amigo yar oo aan waxba kala garan.

Iyadoo lagu jiro Xiso ayaa Macalinkii wax inoo dhigayay oo ahaa muwaadin dalkaas u dhashay waxa uu ku dul hakaday sharaxadii cashirka isagoo wada magaca Soomaaliya oo markaas soo galay Casharka, waana uu aamusay in cabaar ah.

Waxa uu macalinku ahaa nin da’ ah oo in mudo ahna kusoo jiray waxbarashada iyo bariista taariikhaha dunida, waxa uu kusoo jeestay ardaydeenii, waxana uu inagu yidhi yaa Soomaali ah?.

Ka dib ayaan gacanta taagay anigoo magac ahaan uun u heysta in aan Soomaaliya ka imi Soomaalina ahay, waxana uu iigu yeedhay in an agtiisa soo fariisto waana sameeyay sidaas.

Ka dib waxa uu i weydiiyay waxa aan Soomaaliya ka garanayo, waxana ugu jawaabay waxba!.

Isagoo qoslaya ayuu I yidhi hadaba I dhagayso anigaa kaaga sheekeynaya inta aan ka garanayee, waana la wada aamusay ardaydi oo idil si loo dhagaysto.

Waxa uu yidhi waxaan dhameestay Jaamacadda gaar ahaana Bacholarka oo ah darajada 1-aad ee Jaamacada, waxaana goostay in aan Masterka ama darajada 2-aad kusoo diyaariyo oo aan soo baaro taariikhaha dalalka Caalamka .

Si gaar ah ayaan markaas isha ula raacay Qaarada Africa iyo dalalkeeda oo aan aad u daneynayay in aan wax kasoo ogaado, waxaana ii soo bixi waysay wax aan ka ahayn Soomaaliya oo berigaas ahayd meel aad u dhisan una horumarsan oo dunidoo idilna ay wada taqaan lana qadariyo.

Dabadeed waxaan go’aansaday in aan Soomaaliya tago oo aan halkaa kusoo diyaariyo Shahaadadii Masterka, waxna kasoo kororsado Jaamacadii ugu wayneyd dalkaasi ee Lafoole oo Bariga Africa oo dhan berigaas ka dhex muuqatay Jaamacadahooda.

Waxaan tagay Safaaradii Soomaalida ee dalkayga oo aan ka codsaday dal ku gal ama Visa, waase la iga diiday nasiib daro iyagoo I dhahaya maxaad ka doonaysaa Soomaaliya oo dan ah?

In mudo ah ayaan ka daba cararayay dal ku galka Soomaaliya oo ay  taasna igu dhalisay in aan habeenki xitaa ka seexan waayo fakarka aan arintaas ka fakarayo awgiis.

Xaaskeyga ayaa I waydiisay oo I tidhi maxaa kaa maqan? Waxana u sheegay in aan la’ay dal ku galka Soomaaliya!

Waay ila yaabtay oo I tidhi waa maxay Soomaaliyada aad sidan u raadinayso.

Hada waxaa dhacday in aan markii dambe helo dal ku galki, tagana Muqdisho oo aan la yaabay bilicda iyo muuqaalka ay markaas lahayd.

Waxaan iskula hadlay kaligeey hadii dalkan uu Labaatan Sano kusii darsado horumarkan iyo nabad galiyada waxa uu ka sara marayaa ama la barbar soconayaa dalalka hormaray ee Dunida, waxayna taas ahayd mid xaqiiqo ah oo uu qof kasto oo Soomaaliya yimaadaa is oranayay.

Way dhisneyd Muqdisho, waxaa habeen iyo maalin is dhaaf dhaafayay oo shaqaynayay Gaadiidka, Leydhadhkuna waa ay iftiimayeen waqti waliba.

Amniga ayaa ahaa mid aan meel kula tartami kartaahi jirin, oo hadii aad jidka dhexdiisa alaab qaali ah dhigatana cid hawaysanaysay ma jirin. Dadkuna waa ay is dhaaf dhaafayeen iyadoo cid cid kale eegeysaa jidhin, qof kastana uu dantiisa u cararayo.

Waxaan joogay mudo dhowr maalmood ah anigoo ku faraxsan joogisteeda, waxaana dagay Hotel-ka Curuba oo aad u qurxoon lana mid ah hotelada ugu quruxoon dunida. Mudadii markii ay ii dhamaatayna anigoo jecel in aan waqti kusii darsado ayaan isaga soo tagay dal ku galkeyga oo waqtigiisi uu idlaanayay awgeed.

Waxaa kasoo wareegatay waqtigaas ku dhawaad Labaatan Sano. Markaas ka dib ayaa Sanadihii Sagaashamaadkii anigoo jooga Kenya waxaan la kulmay nin aan Saaxiibo nahay oo ka tirsanaa hey’adaha Samafalka.

Waxa uu ninkaasi ii sheegay in uu u socdo Soomaaliya si uu howlo Samafal ah uga soo sameeyo, waxaaana ka codsaday in aan raaco. Waana uu iga ogolaaday.

Ma qiyaasi karayn sida uu dareenkeygu yahay oo waxaan is lahaa Soomaaliyadii aad horay u tagtay unbaad tagaysaa, waxaana ku jiray diyaar garow aan u galayo arimaha sharciga ah ee isoo wajahi doono maadaama qof ajnabi ah aan ahay aana u socdo dal aan horay ugu dhibtooday helista dal  ku galkiisa anigoo watta mid ka mida Baasa-Boorada dalalka la qadariyo ee dunida.

Waxaa la yaab igu noqotay in aan dalka Soomaaliya markan galo anigoo sidii madaxweyne dalkaas ah la ii ilaalinayo oo maleeshiyaad fara badan ay I hareer socdaan marki aan tallaabo qaadana iga daba qaadayaan si aanay wax dhibaato ah ii gaarin.

Waxaa kasii darneyd markii aan tagay Muqdisho oo aan eegay meelihi aan Labaatan Sano ka hor la fajacayay quruxdooda oo aad muudo in  quwadaha aduunka ugu waa weyn ay isku dagaaleen. Dhismihii oo dhan wuxuu noqday digo ba’day. Wax la reebayna ma jirin.

Wiilkan ayaa sheekadiisa iigu soo dhameeyay in uu macalinku iigu hal qabsaday ugu dambeeyntii in Dowladnimadu ay tahay wax aan la iska heli Karin oo dalka iyo dadka sharaftoodaba gacanta ku haya meel sarena geeya.

Hadaba tani waxay tusaale u tahay sawirka Soomaaliya ee is badalay, walibana maalinta uu ninkaasi ajnabiga ah ka sheekeynayo ee uu yimid Soomaaliya oo burbursan layaabna ku noqotay xaaladeeda iyo muuqaalkeeda sida uu noqday waa maalin ay bilow ahayd fowdada iminka Labaatan Sano jirsatay ee dalka ka taagan.

Hadda dalka Soomaaliya waxa uu isku rogay goob bahaladu ay galaan, dadkiisiina badigood waa ay ka carareen. Kuwa ku harayna waxay ku noolyihiin nolol aad u xun oo dadka caalamku ay ku hal-qabsadaan marka dhibaato ama wax xun ay ka sheekeynayaan.

Nin kale oo isaguna ajnabi ah ayaan ku arkay mid ka mida dalalka dariska la ah Soomaaliya, waxana markii uu I arkay uu igu yidhi, war ma Soomaali ayaad tahay?. Waxaana ugu jawaabay haa!!.

Ka dib ayuu isagoo in cabaar ah aamusay igu yidhi, waxaa la yaab leh waxa iminka Soomaaliya ka taagan iyo waxa berigii hore ka jiri jidhay. Waxana uu ninkan iiga sheekeeyay sheekooyin badan oo uu Soomaaliya kala soo kulmay markii ay horumarsanayd oo wanaag ah.

Waxaan ka xusi karaa in uu igu yidhi “ Waryaa dalkiina ma ogtahay in uu beri lahaa Garoonka diyaaradaha ee ugu qurxoon dalalka geeska Africa iyo kuwa kale ee Africa intoodaba?. Waxay Shirkadda Somali-Airline ee duulimaadku ahayd mida loogu jecelyahay Africa. Anigana waxaan mar kasta oo aan u duulayo dalalka Yurub ama America dooran jiray in aan Somali-Airline raaco oo aan transite ku noqdo garoonka Muqdisho oo aad u dhisnaa quruxna badnaa”.

Hadaba hadalka ninkaasi dadbaa mala-awaal iyo wax aan jirin malaynaya. Laakin waa xaqiiqo uu ka sheekeyn karo oo kaliya ninkii soo noolaa iyadoo ay Soomaali leedahay dowlad iyo kala dambayn.

Hadiise aan usoo laabto maqaalkan, waxaa maantay Soomaaliya u marti ah dagaalo aan lahayn jiho ay u socdaan iyo hadaf loo abaabulayo intaba, waxaana ay salfanayaan nolosha Malaayiin dad Soomaaliyeed ah oo aan awood u lahayn in ay ka cararaan dalka si ay uga badbaadaan dagaaladaasi.

Intii carartay ee ku nool dalalka dariska ama dunida intee kalena waxay ku jiraan uur xumo ay ka qabaan waxa dalka ka soconaya. Waxaana u dheer iyaga laftooda oo aan sharaf iyo nolol wanaagsan ku heysan goobaha ay joogaan. Waayo waxaa sharaf leh ninkii heysta dal iyo dowlad.

Balse waxaa hubaal ah in dagaaladan 20-ka Sano soconaya oo mar kastaba magac cusub iyo waji cusub lasoo baxaya in aanay ahayn kuwo u dan ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waase nasiib daro in dadka hurinayaa aanay taasi ka war hayn oo ay dantooda Dhaan-dabagaalaha ah ee ay dagaal hurinta uga dhex jeedaan kaliya ka fiirsanayaan,  taas oo aan iyada lafteedu u hir gali doonin.

Waxay hadda Xaaladu gaartay heerkii ugu darnaa, waxaase shaki ka jirin in kasii daran uu dhimanyahay hadii aanay dadku ku baraarugin waxa jiraa una tafa xeydan wax ka qabashadooda.

Waayo Labaatankii Sano ee lasoo dhaafay isbed-bedelo kala duwan ayeey xaalada dalku samaynaysay, dhamaan isbedeladaasina waxa kaalinta ugu wayn ku lahaa Shacabka.

Tusaale ahaan ridistii dowladdi Maxamed Siyaad Barre waxaa hor-boodayay oo ay Maliishiyaadkii mas’uulka ka ahaa beer-laxawsanayeen Shacabka Soomaaliyeed, si kastaba ha ahaato dareenka Shacabka ee waqtigaasiye.

Hadii aanu Shacabku ku raaci lahayn Maliishiyaadkii kacsanaa in la rido dowladda kana dhaadhicin lahaayeen in waxa la tabanayaa lagu xaliyo wada hadal ama xitaa hadii dowladdu ay tahay mid diidan wada hadal si xeeladaysan oo danta dalka iyo dadkuna ku jirto meesha loogaga leexiyo, ma dhacdeen in ay dowladdu burburto wixii xigayna ay xigaan.

Ka dibna waxaa wadanka guud ahaan uu u kala baxay qayb qayb ay ka taliyaan Rag isku toosistay hub iyo Maliishiyaad u daacad ah, kuwaas oo kala qub qubay dalki, diidayna in dowlad midaysan la helo si nabadda loo soo celiyo.

Raggaas la baxay hogaamiye kooxeedyada ma ahayn kuwo kaligood taagnaan kara, ee waxaa sidoo kale gacan siinayay walibana door-libaax ka qaatay kobcinta awoodooda Shacabka Soomaaliyeed oo caadifada qabiilka markaanna lagu beer-jilcistay.

Waxay xaaladu sidaa noqotaba waxaa dalki yimid Maxkamadihii Islaamka oo gaar ahaan Koofurta iyo Bartamaha dalka xoog ku yeeshay, iyaguna sidoo kale awoodda shacabka ayaa keentay ee iskama aysan iman.

Laakin waxay iyaguna mareen wadadi ay kooxihii ka horeeyay mareen oo waxaa meesha ka saaaran Ciidamadii Itoobiya ee dalka soo galay. Balse ka saarista Maxkamadaha ee dalka waxaa la oran karaa waa mid ay iyaga laftooda ka mas’uul ahaayeen sida saraakiishii ku jirtay ee wax garadka ahaa ay sheegaan.

Waayo waxay ka weecdeen in awoodi ay heleen ay ku wajahaan dhanka toosan iyo raadinta midnimada umada Soomaaliyeed. Waxayan ku maskax beeleen u hanqal-taaga burburinta dowladdii KMG ee Soomaaliya oo aad u tabar-yareyd fadhisayna magalada Baydhabo oo kaliya. Waxaase wanaagsanayd in Maxkamaduhu ay u yeeraan dowladda si ay xaaladu xakamaynta ugu soo laabato.

Markii ay Maxkamaduhu baxeen ka dibna waxaa dalka yimid dowladdi uu C/llahi Yusuf horkacayay, laakin waxaa iyadana ay ka shaqayn waysay kooxo Islaamiyiin ah oo sheegayay in ay cadaw ku yihiin Itoobiyaankii dalka ku jiray ayna dagaal ku jirayaan inta laga saarayo Ciidamadaasi.

Mudo dheer ka dibna waxaa lagu guuleystay in la saaro Ciidamada, waxaana la dhisay dowladda iminka jirta ee uu Sheikh Shariif oo ragga kacdoonka waday hogaaminyay madax loogaga dhigay. Mase jiraan wax is badalay.

Hadaba taasi waxay cadayn u tahay in Soomaalida ay hogaan ka dhigteen dad indha la’ oo aan doonayn in la helo qiimihii qaran ee lumay, waxana shaki ka jirin in ay xaaladu sideeda iyo kasii daran sii ahaan doonto inta ay Shacabku u sacab tumayaan cid kasta oo magac iyo macno cusub lasoo baxdo haba ahaato mid aan danta dalka iyo dadka doonaynne.

Muuqaalka maantay ka taagan Muqdisho oo  Caasimadii dalka ah waa mid argagax leh. Waxaa maalin kasta ku dhinta Boqolaal qof oo shacab ah. Waa ay kala qubqubantahay oo qaybba qolo ayaa maamusha.

Dadku waxay magan u yihiin cabsi aan dhamaad lahayn. Waa la gowracaa oo si aan beni’aadannimada ku jirin ayaa lagula dhaqmaa iyagoo aan dambi ay taas ku muteystaan galin, waxa sidaas samaynayana waa wiilashoodi oo hubka u sitta shaqsiyaad iyagu dano gaar ah xambaarsan oo aan umadda dhibkooda eegeyn.

Nasiib daradusa waxay tahay in Shaqsiyaadkan dhinac kastaba haku jiraane aanay ahayn kuwo leh caqli fakara, si ay bal dib ugu eegaan wixii qabsaday raggi iyaga la midka ahaa ee horay umaada ugu soo amar kutaagleyn jiray.

Aduunyadu waa Cibra qaadasho, waxaana qofka caqliga leh laga doonayaa in uu eego waxa ku dhacay dadkii isaga ka horeeyay marka uu doonayo in uu wax sameeyo.

Hogaamiya kooxeedyadii aan kor kusoo xusnay waxay dalka iyo dadkaba ku hayeen amar- ku taagleyn aad u xoogan, mana jirin cid la hadli kareysa oo amarkooda oo qura ayaa soconayay.

Maantana waxay gabaad ka dhigteen rag badan oo kuwii iyaga ugu waa weynaa ka mida Xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay uga dhuumanayaan rasaasta iyo madaafiicda ay soo tuuraan kooxaha dowladda ka horjeeda, qaarkoodna waaba ay carareen oo cid magacooda sheegtay maba jirto.

Marka kuwa iminka sidaas oo kale amar ku taaglada iyo dhibaateynta bulshada wadoow idinkuna tabtaas unbaad maraysaan ee ogaada!!

Ugu dambeyn marka aan ka tango sawirka maantay ee Soomaaliya iyo ka sheekeeyntiisa, waxaa hubaal ah in Saadaasha mustaqbalka ee dalku ay tahay mid aan ka duwanayn sawirka iminka taagan, waxaana jecelnahay in aan bal wax un ka tilmaamno waxyaabaha saadaasha xun ee Mustaqbalka keeni karaya ee iminka ka taagan dalka.

1-     Fara galinta Diinta:-

Diinta Islaamku waa muqadas uu illahay usoo dajiyay dadka koonka ku nool si ay isugu dhaqaan, waana mid dhamaystiran oo uu alle quraankiisa ku sheegay in uu soo dhameeyay cid wax ku dari karaysa ama ka dhimi karaysana aanay jirin.

Waxaa khatar ah in Diinta oo uu alle ugu tala galay in ay dadku isku dhaqaan la fara gashto laguna saleeyo waxyaabo ka baxsan wixii uu alle ugu tala galay. Taasina waa tacadi iyo ku xadgudb diinta loo geeystay oo cuqubada ka dhalan kartaana ay aad u daran tahay.

Hadaba waxaa iminka Soomaaliya ka taagan arin aad u xun oo saamaynteeduna ay dadkoo dhami wada gaari doonto, taas oo ah ku salaynta Diinta Islaamka iyo Axaadiista Rasuulka falalka guracan ee lagu gowracayo dadka Muslimka ah ee Soomaaliyeed, lagu kufsanayo ama qasab loogu darayo nin aanay dooneyn gabdhaha Soomaaliyeed iyo madaafiicda lagu dul ridayo dadka dan yarta ah ee ee Muslimka ah.

Waxaa ugu daran in Bishan Barakaysan ee Ramadaanka ay kooxaha dowladda ka horjeedaa ku baaqeen dagaal ay ugu yeereen Jihaad iyagoo daliilsanaya Aayado qur’aan oo ay wadadii loogu tala galay ka weeciyeen. Waxayna leeyihiin illahay ayaan ugu dhawaanaynaa oo aan ugu cibaado raadsanaynaa dagaalka aan dadka muslimka ah ee horay dhibaatada uga soo daalay dhexdooda ka samaynayno oo aan nafsadooda ku leyneyno.

Waxaa taa la mida oo gudaha Muqdisho iyo qaybo kale oo dalka ka mida ka dhacaya Hablo Soomaaliyeed oo qaarkood ay rag leeyihiin in laga soo watto guryahooda oo si qasab ah loogu daro dad kale laguna sheego in ay diintu sidaas qabto maadaama ninkeeda uu ka tirsanyahay dowladda oo ay kooxahan la dagaalsanyihiin.

Waxaa iyana jirta oo waxyaabaha khatarta ku noqon kara umada Soomaaliyeed ee diinta lagu qaldayo ka mida in xubnaha jirkooda qaybo ka mida laga gooyo dad Soomaaliyeed oo dambiyo arintaas looga abaal-marin karo aan galabsan. Sida dhacdo dhawaan ka dhacday muqdisho oo wiil dhalinyaro ah Carabkiisa loogaga jaray isagoo lagu eedeeynayo in uu tagay meelaha ay dowladdu ka arimiso ee Muqdisho uuna jaajuus u yahay dowladda.

Hadii ay dhacdo in uu Jaajuus u noqdo dowladda ma jirto diin banaynaysa in qof muslim ah laga jaro Carabkiisa oo muhiim u ah qofkaasi ama qaybaha kale ee jirkiisa laga gooyo, mana jiraan waxyaabo u banaynaya kooxaha falkaas geeystay in qof muslim ah ay xad ugu fuliyaan dowladda oo iyaduna muslim ah ayuu u jaajuusayay iyo waxyaabo la mida.

Dhamaan arimahan oo diinta lagu salaynayo waxay khatar ku yihiin jiritaanka umadda Soomaaliyeed oo si guud uu illahay ugu ciqaabi doono dhibka gudaheeda ka dhacaya hadii aanay jawaab k bixin, kana tagin cabsida aan jirin ee ay qabaan . mar hadii dadka waxaan samaynayaa ay diinta Islaamka ku tarax-tagayan qof kasta oo Muslim ahina uu waajib ka saaranyahay ka jawaab bixinta arintaas.

2- Isugu hiilinta Dulmiga:-

Dulmiga waa wax  uu illahay mamnuucay kana reebay Rasuulkiisa sharafta badan ee Muxamed (NNKH) iyo sidoo kale qof kasta oo muslim ah. Waxaana qofkii wax dulmiyaa uu illahay u ballan qaaday cadaab iyo in laga abaal mariyo dulmigii uu sameeyay maalinta Qiyaamo oo qof awood lihi aanu jirin alle mooyee.

Waxaa aad uga daran in wax la dulmiyaa in aad qof ugu hiilisaa dulmi uu galayo, taasi oo uu alle si aad ah umada ugaga digay.

Hadaba Soomaaliya waxaa ka jira isugu hiilin dulmi oo aanu boor saarneyn in ay sabab u noqotay wadci aadga u xun ee ay umadda Soomaaliyeed ku noolyihiin iminka.

Waxaa la arkay in uu Nin Soomaaliyeed qaato Qori si uu usoo dilo nin kale oo aan waxba ka galabsan isagoo dhahaya waa looma Ooyaan iyo erayo la mid ah, ka dibna usoo gurya noqdo gurigiisa oo ay kula noolyihiin hooyadiis, aabihiis, iyo walaalihiis oo og in uu wiilkoodu qori watto dadna dhibaataynayo.

Marka reerkaas loo yimaado oo lagu yidhaa wiilkiina ayaa qof Soomali ah oo Muslim ah soo dilay sabab la’aan ee keena hala marsiiyo xadkii uu alle soo dajiyayna, waxay ugu jawaabaan maya, Wiilkeena lama dilayo wax kasta oo uu sameeyaba.

Hadaba taas miyaanay jawaabteedu noqon Karin in reerkaas uu illahay u qadaro in madfac uu gurigooda kusoo dul dhaco ka dibna baab’iyo dhamaantood ama gabdhahooda niman aanay rabin qasab loogu daro ama inta raggoodi laga soo furo rag kale oo ajaanib ah qasab loogu daro iyo in wiilashoodi carabka laga jaro oo aabahoodna qoorta laga gooyo sabab la’aan.

Marka ay dhibaatadaas la kulmaan reerka noocaas ah ee wiilkoodi oo nin maskiin ah soo dilay diiday in laga abaal mariyo oo xadkii sharciga ahaa la marsiiyo dhibaatada iminka dalka ka taagani ay qaybtooda kasoo gaarto, hadii ay qayla dhaamiyaan oo ay dhahaan waan dhibaataysannahay, layaab yaanay cidna ku noqon arintaas, waayo waa jawaabta uu illahay dadkaasi ka siiyay wixii ay horay usoo galeen. Illeen illahay ma mogaa dulmilowga. Qabashada allena waa ay adagtahay marka uu qofka dulmiga falay qabto oo uu gacanta ku dhigo.

Sidoo kale waxaa iminka jira dad Soomaaliyeed oo Shacabnimo sheeganaya isla markaana garab taagan kooxaha madaafiicda ku garaacaya guryaha bulshada oo qorta ka jaraya dadka, qasabkana ajaanibta aan diintooda la aqoon ugu gurya galanaya xaasaska Soomaaliyeed, kuwaasina jawaabtii uu alle siin lahaa waa ay dhimantahay, waxayna iyaduna saamayn doontaa dhamaan inta ku nool dalka.

Sidaas darteed waxaa la gudboon Soomaalida in ay ka haraan dulmiga iyo isku kaalmeyntiisa, una soo jeestaan alle ka cabsi iyo ka towbad keenka wixii ay horay u faleen ee dhibaato iyo is dulmin ahayd, taas ayaana keeni karta mustaqbal wanaagsan iyo saadaal fiican oo dalka loo saadaaliyo.

3- Garasho la’aanta macnahah dowladnimo :-

Dowladnimadu sida aan bilowgii maqaalka kusoo sheegnay waa waxa kaliya ee ay dadku sharaf ku yeeshaan, dal aan dowlad lahayna wax uu ka noqonayo dunida dhexdeeda ma jirto.

Hadaba Soomaalidu waxay ka tagtay garashada macnaha dowladnimo, waxana kuwii dowladnimada loo magacaabay ay yihiin daneestayaal aan dooneyn in magaca loo dhiibay ay si wanaagsan ugu adeegaan umada.

Cid kasta oo dowladnimada Soomaaliya doonaysa in ay qayb ka noqotana waxaa maankeeda ku jira ka faa’ideysiga magacaasi si ay danahooda gaarka ah ugu fushadaan.afkoodana ugaga dhawaajiyaan mar kasta ballan qaad iyo hadalo been ah oo aan ka badnayn (Qawda maqashii, waxna ha u qaban). Iyagoo indhaha iska tiraya dadkii mas’uuliyadooda ay qaadeen ee dhimanaya oo rafaadka ku nool.

Duniduna dadkaas dowladnimada Soomaaliyeed sheeganayaa ma doonayso in ay la xisaabtanto ee waxay gacanta usoo galinaysaa wixii Soomaalida loogu tala galay, iyadoo og ayeeyna afka u dhiganayaan oo ay reerahooda ku arad tirayaan. Waana mid nasiib daro ah oo saamayn ku yeelan doonta raggaas dowladnimada sheeganaya oo aan wax sharaf ah oo ay ka helayaan dhaca xoolaha umada la arkin.

Marka waxaa muhiim u ah Soomaalida in ay gartaan qiimaha dowladnimo, ayna ogaadaan in dowladnimadu aanay ahayn wax la isku dilo oo uu qofka ku jiraahi ku muteysan dil iyo in xoolihiisa la dhaco oo gaal lagu tilmaamo ama uu qofku kaga faa’ideysto magacaas in uu safaro dibada ah un isaga baxo hantidii dadka loogu soo dhiibayna afka u dhigto oo uu danihiisa gaarka ah ka eegto dadka dhibaataysan ee nolol xumada u dhimanaya oo dagaalada iyo colaadaha aan dhamaadka lahayn ay guryahoodi kasoo barakiciyaan.

Waxana allaha umadda dunida ku nool oo dhami uuntay uu la xisaabtami doonaa cid kasta oo mas’uuliyad qaada, kana abaal marin doonaa wixi ay ka qabatay mas’uuliyadaasi hadii ay ugu adeegtay dadkii ay mas’uulka ka ahayd iyo hadii kaleba. Marka kuwa maanta mas’uuliyiinta Soomaaliyeed sheeganayow miyaadan allah ka baqanayn oo aadan ogayn geerida iyo noloshu ay isku jiraan wax ka yar il biriqsiyo oo uu allahna idin xisaabinayo marka aad dhimataan wixii aad fasheen oo idilna ay diiwaan gashanyihiin?.

Waxaan inkastoo ay badanyihiin waxyaabaha ka qaldan bulsha waynta Soomaaliyeed xilligan oo hadii aan la sixinna dhibaato hor leh keeni kara, hadana halkan kusoo gaba gabaynayaa maqaalkan, waxaana alle ka barayayaa in uu iga cafiyo wixii qalad ah ee aan galay oo aan ula kac iga ahayn, balse qof  waliba oo beni,aadam ah waa uu qaldamaa.

Aadna waxaan ugu mahad celinayaa aqristayaasha iyo dhamaan bahda Shabakadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>