Wixii aan bisinka lagu bilaabini barako malahee, ugu horayn ba aan bisinka ku balaysimo (bi’ismi laahi raxmaani raxiim). Aan weliba raacsado salaanta qiimaha iyo qarada weyn oo aan idhaahdo “Asalaamu calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatu”. Qalinka umaan tiigsan inaan wax badan idinla tamariyo oo aynu maskaxda iyo indhahaba daalino, waxaan qalinka u qaatay inaan idiin soo gudbiyo oo aad ila ogaataan qaylo-dhaan wadaninimo ah oo iftiiminaysa kana digaysa arrin soo dedejinaysa cimriga dhismaha qarankeena iyo jiritaankeena ummadnimo. Waa qaylo-dhaan ku socota qof kasta oo wadani ah. waa tusmayn iyo tilmaamid ku wajahan damac soo jireen ah, dhulbalaadhsi guun ah iyo maansuukhnimada dadkan dalkeena ku soo hayaamaya ee aynu inagu masaakiinta ama dawarsadayaasha ku magacoownay.
Dabcan, qoraalkani waa baraarujin ee maaha daahfur waayo qof kasta oo muwaadin ahi wuu ogyahay halista iyo hagardaamada laga dhaxlayo xakamayn iyo hubsiimo la’aanta qowmiyadahan qalaad ee dalka ugu soo qulqulaya sidii waraabayaal hammuun qaba oo raq xoolaad soo urrinaya . Arrintaasi oo ah midaan natiijaddeeda la mahadin doonin, waa arrin ka dhigan mas aad caano siinayso si uu qoorta, qoobka iyo qumanaha jidhkaaga kaaga qaniino, waa arrin ay ina su’aali doonaan ubbadkeenu maxaad u hagoogan waydeen hugga wadaniyadda oo ah lexejeclada wadaniga? Waa arrin ina geysiin doonta foorar, farta oo aynu qaniino iyo weliba qoomamaynta dhulkeena uu inagu qabsan doono maska muuqaalkii miskiinka yeeshay ee aynu bogga iyo laabta ku qaadanay. Ilaahay idankii dhici maysee, mar kasta oo aynu aragno qaranimadeena la faro-xumeeyey indhaheena illin dhiig iyo dheecaan ah ayaa gabax ka soo odhan doonta.
Waxba yaanan gaaf wareegine, aan qaylo-dhaanta qalinka ku dhigo, si ay indhihiinu u arkaan, maskaxdiinuna u fahamto, damiirkiina dadnimo iyo dareenkiina wadaniyadeedna u shidaal qaataan, si aad u hagoogataan lexejeclo wadan. Akhristoow, dalkeenii wuu dhacmayaa, cid kalena ma dhacaysee walaaladeena, saxiibkeena ama jaarkeena uunbay u cuntami wayday in 80 milyani bilaa xeeb noqdaan, 7 milyana (3 milyan Somaliland ) xeeb dherer iyo dhumucba leh yeeshaan. Dalkeena waa laynagu haystaa, masaakiintan hugga duugoobey xidhan ee duliga saaran aanad indhaha ku hayn karayn ayaa inagu haysta. Naftan liibaanada haysa waxaa ku lamaan naf daalimad ah oo aaminsan in juqraafiga iyo reer guuraanimada dhulkeegii ka wareejiyeen. Waa naf sahan duullaan ah, oo habeen iyo maalin ku seexata kuna soo toosta dhulkii awooweyaashay ayaa la dagee waa inaan soo dhacshaa!! Waa ruux diblomaasiyad sarre ku dhaqanta oo cadawgeegii ka dhaadhicisay inay tahay miskiin nolol raadsi ku jirta!. Waa yaabe ! maxay itoobiyaanku ka wayeen dalkooga oo ay ka helayaan Somaliland? Itoobiya waynu naqaanaa waa dal guun ah, ilbaxnimo, khayraad dabiici ah iyo xaddaaradba lagu majeerto. Somalilandna wuxuu dheer yahay aqoonsi iyo horumar. Caqligaagu miyuu qaatay muwaadin ka cararaya dalkiisa oo la aqoonsan yahay, barwaaqo ah, horumar sameeyey oo weliba ugu dhaqaale roon mandaqadan ayaanka darran ee Geeska Afrika, oo u hayaamaya dal curdin ah, bilaa aqoonsi ah, noloshiisu ay hoosayso oo dadkiisiiba suudal iyo socdaal dibadeed u heeryeysteen. Malaha arrimo kale ayeynu maskaxda kula muusonoownaaye ila garo in qaxootinadani nolol raadsi ka fog tahay ! waa xaajo tuurle oo aynaan si fiican u dhaadan, waa dhulsheegasho guun ah, waa damac dawladeed iyo dhuldhacsi qowmiyadeed, waa qaxoonti aaminsan inuu dhulkiisii joogo oo himiladiisu ay tahay mar uun baan berrigayga iyo baddaydaba hantiyi doonaa. Malaha akhriste arrinku wuu kaa degi laayahay, isku xiiqi mayno e’ aan soo daliisho Cabdalle Xaaji, aqoonyahan iyo cilmibaadhe ka tirsan RTD jabuuti. Cabdalle wuxuu qoray maqaal uu ula baxay kumaa cadowgeenna ah? Waa su’aale kumaa cadowgeenna ah? Aqoonyahankani runtii si hufan oo aan mugdi iyo qalooc midna ku jirin ayuu su’aashaasi uga jawaabay. Soo wada qaadan maayo maqaalka oo dhamaystiran, aan idiin soo qabto inta aan is leeyahay akhristayaashu way kula tacajabi doonaan oo sidaada ay dhabanka gacanta saari doonaan.
“Raas Makonnen (Xayle Salase aabbihii) markii uu dhintay ee uu Minilikna halligmay, waxaa taajkii boqornimada si ka baxsan xeerka boqortooyada xabashida lagu dhaxlo ku maroorsadey Raas Tafare oo waayadii dambe la baxay Xayle Silaase. Xayle waxaa uu markiiba laba taallo oo lagu xasuusto u dhisay Minilik iyo aabbihii Raas Makonnen. Midda hore ee Minilik lagu xasuusto waxa uu ka dhisay badhtamaha magaalada caasimada ah ee Addis Ababa, ku darsoo weliba waxay ku garab taal makaniisada ugu weyn Addis Ababa ee la yidhaa Goorgis.
Midda labaad ee lagu xasuusto aabbihii Raas Makonnen, waxa uu ka dhisay badhtamaha magaalada Harar. Haddaba Xayle Silaase taallooyinka uu dhisay ugama jeedin oo qudha in lagu xasuusto Minilik iyo aabbihii Raas Makonnen waxaa jira dhaqan ay xabashidu leedahay oo ah inay astaamo iyo calaamado ku muujiyaan marka ay ujeeddo fog leeyihiin. Tusaale cad haddaan soo qaato, taallada uu Xayle Silaase aabbihii u dhisay, waa sawir dhagax ka samaysan oo ah Raas Makonnen oo faras ku jooga kuna sii jeeda dhinaca barri amma cadceed-ka-soo-baxa. Ujeeddada laga leeyahay waa duullaankeenu wuxuu ku jeeddaa dhinaca bari (Waa dhulka Soomaalida) nin kasta oo amxaaro ahi siddaa ayuu maskaxda galinayaa marka uu indhaha saaro taalladaa. Taallada Minilikna waa isagoo faras saaran oo ku jeedda dhinaca waqooyi-bari (dhinacana waxa ku toosan Jabuuti). Mangistu oo ahaa nin shuuciya kana soo talliyey itoobiya muddo 16 sannadood ah isaga qudhiisu marka uu meel fagaare ah ka khudbadaynayo waxa uu isasoo taagi jiray fagaare wayn oo ku yaal Addis Ababa dhinaca cadceed-kasoo-baxa ayuu u jeedsan jiray isagoo ay hor tuman yihiin kumanyaal qof. Goor kasta waxa uu hadalkiisa ku soo dari jiray (wadha fiit) isagoo gacantiisa midig ku fiiqaya dhinaca bari, weedhaa oo uu macnaheedu yahay (xaggaa hore) is weydiintu waxay tahay. Dadka soomaaliyeed ma la socdaan ujeeddadaa fog ee ay Amxaaradu leedahay?”
Su’aashaasi jawaabteeda akhristayaasha ayaan u dhaafi doonaa, balse anniguna aan milicsado dhacdooyin aan u soo joogay, idinku badan maayo oo qoraal laguma soo koobi karo, aan soo qaato uun ta iigu xasuusta dhow. Waa casar gaaban, jaamacadda Hargeysa ayaan ka imid, xiisad (lecture) ayaa iga baaqday oo xaalkaygu ma saaloona. Boodh badan oo kabaha fuulay darteed ayaan is idhi kabacaseeye u yeedho haka shaqeeyee, haddaan wiil yar u yeedhay oo uu igu soo socdo waxaa jiidhay kuray kale oo maqiiqan, waa inan yar oo dhididkiisu u uray e’ wuxuu maagay wiilkii yaraa ee baalashlaha ahaa oo intuu ciid indhaha kaga shubay iskaga dhaqaaqay isagoo waliba aflagaadona ku sii macasalaamaynaya. Anigu ficilkaa gardarrada ah aad baan ugu xummaaday, wanaan ka xaal mariyey dhibanahii, laakiin jawaabtii aan helay waxay noqotay middaan habeenno ka seexan waayey. Kuye, “Dhulkayagii ayaa lanagu guumaysanayaa!!!” anna yaabay, oo is idhi malaha wiilka yar waad ku khaldantaye waa soomaali.
“Walaal maanad itoobiyaan ahayn?”
“Mayee waan ahay”
“Haddaa waa maxay dhulkan aad sheeganaysaa?”
Intuu kor isoo eegay ayuu iigu jawaabay “Waa su’aal wakhti dheer u baahan, laakiin waxaan kuu sheegayaa inaanu wakhti hore annagu (Oromo) halkan deggi jirnay, aniga awoowgay wuxuu ku dhintay badda berbere!!!” waar maad riyoonaysaa mise waa run ereyadan dhegtaada ku soo dhacayaa ayaan iskula xashaashaqay, runtu waa lama huraane, waan maqlay oo habeeno ayaan ka gam’ i waayay.
Dadku ma wada hurdaane, wadanigu wuu soo jeedda oo dalka ayuu gaadh ka hayaa, goormay ahayd markuu godka lagu janneegii marxuumkii Abwaan Cabdillahi Suldaan Timmacade uu ka hadlayey arrintani uu maanta qalinkaygu xariiqayo, waayo waayo iyo wakhtigii wadaniga hagaagsani noollaa ayey ahayd. Wuxuu maansadiisii Abraha ku lahaa:
“Wuxuu Xayle meehaahay iyo, malahii beenowye,
Meeshiyo berbere wuxuu lahaa, maalin baad qabane,
Geel-jirraha maaraha sitaa, madhiyay geeshkiiye,
Ma moodayn Amxaaradu inuu, mawdku soo wado e’,
Nagamuu macaashine markay, miririgtii yeedhay,
Millatariga dhaarsani markuu, moote ku asqeeyey,
Madaafiicda waaweyn markii, midigta loo dhiibay,
Mingistiyo colkiisii la waa, meel uu joogaba e’.”
Dhallinta maantuba ma wada haboowsana, in baa jirta wadaniyaddu dhiigooga raacday. Waa barbaarinta waalidka iyo deegaanka ilmuhu ku noolyahay, illaha wadanayiddu ka beermantaaye. Maxaa ilmaha loo cannaan haddaan wax wadaniyad ku saabsan ba loo sheegin, aanu maqal ama aanu aragba. Habeen arbaco ah, 21 julaay, 2010. Hotel Imperial. Waxaa ku kulmay dhallinyaro xul iyo xariir ah, ujeeddada kulanku waxay ahayd dood iyo falanqayn ku saabsan wadaniyadda, caways wanaagsan oo qof waliba aarraadiisa iyo fikradiisa ka hadlay ayey noqotay. Mowduucuna siddiisuu xiise gaara u watey. Gabadh da’yar ayaa intay qiirootay tidhi “Maanta waxaa la moodaa, masaakiin (itoobiyaan) mooye inaan dad kaleba ku noolayn magaalooyinkeena waaweyn. Waa magaalooyin wada curyaan iyo indhoole ah (curyaan iyo indhoole soomaali ah oo dawarsanayaa wuu yaryahay) , dariiqaad istaagtaba gacan baa laguu soo fidsanayaa…..dadkani waliba dalkii ayey inala yeesheen. Waa inaynu iska qabana oo dalkooga ayaaba inaga taag roone iskaga celinaa.” Waa kaas ereyga wadaniga in uun soo jeedda ee u damqanaya dalkiisu. Dadkeena qaarbaa kula dagaalamayaba haddaad arrinkani kala hadashid oo ku odhanayaa “Waar masaakiinta iska ammaan sii, innaguba immisaynu qaxoonti u ahayn?’ ma waxay ilawsan yihiin inuu dalkeenu markaa burbursanaa oo aynu waliba ka cararaynay dil iyo xasuuq axmaqnimo ah, oo bahalo dad qaleen ahi inala raadsanayeen. Itoobiyaanku intaasi midna ma haysataa? Maya, haddaba wax faham. Midda kale anigu 9 sanno ayaan itoobiya (Dulcad) qaxoonti ku ahaa, maalina waalidkay igumay odhan halkani waa dhulkeeni!!. Waanay igu odhan karayeen oo beentood may ahaateen waayo guumaysigii daalinka ahaa ayaa itoobiya ku wareejiyey dhulkii loo yaqaanay Hawdka iyo seerraha dhowrsoon (Hawd and Reserv Area) 1954kii. Haddaba waa maxay sababta ay itoobiyaanku ubbadkooga uga dhaadhiciyeen awoowgaa berberuu ku aasanyahay? Duullaankooga ayaa barri ku wajahan, cadowgooguna waa soomaali. Innagu se waxaynu ku hadaaqnaa wallaalahayaga itoobiya, oo waxaynu kasoo dhawaysanaaba wallaalaheena koonfurta (Somalia) oo aynaan siyaasadda mooye wax kale ku kala tagin.
Dariiqee ayey itoobiyaanku kaga rumayn karaan damacoogan soo jireenka ah?
Laba dariiq, kay doortaan ba waa suurto gal inay ku dhaqaaqaan oo ay isku dayaan inay riyadoodu rumowdo. Inay qorshooga tahayna waa suurtogal ba. waa dariiqa kowaade, maanta itoobiyaanka waxa lagu qiyaasaa 80 milyan oo ruux. Halka inagana soomaali oo dhan lagaga qiyaaso 7.5 milyan (3 milyan somaliland) . bal hadda ka fikir inta ay leegtahay baaxadda la ina muquunin karaa. Haddaad ku dooday shacabku ma dagaalamaan, iskaba soo dhaaf. Immisa itoobiyaan ah ayaa dalka ku sugan? Sannad sannadkuu ka dambeeyo ayey sii badnayaan. Kaaga darane, dhallinyaradeeniina saancadaalooyin waa kuwan suudalaya. Inta dhallinyarro ah ee suudalaysa waxaa u dhigma ama ka badan ba inta itoobiyaanka ah ee soo waydaaranaysa. Haddii arrintu siddaa kusii socotana dalku wuxuu noqon doonnaa mid ay itoobiyaanku aqlabiyada (majority) leeyihiin.
Dariiqa labaad waa sharcigeenna oo hadday addeegsadaan u fududaynaya ka midho dhallinta damacoogan soo jireenka ah. Marka uu dastuurkeenu siiyay xuquuq lamida ta muwaadinka marka laga yimaado xaqa siyaasadda (Eeg qodobka 8(3) dastuurka). Habka lagu helo jinsayadda dalkeena oo ay ka faa’iidaysan karaan, waayo shuruudaha uu dhigayo qodobka 4aad ee xeerka jinsiyadda Somaliland xeer no.22/2002 waxaa ugu adag inuu qofku 10 sanno dalka ku noolaado oo aanu wax dambi ciqaab ah galin. Immisa itoobiyaan ah ayaa ku dhashay ama toban sanno iyo in ka badan ba dalka ku nool, ciiddaas ayey ka badan yihiin. Aan weliba ku darree qodobka 17aad ee xeer maamulka dhulka xeer no.17/2001 isna wuxuu dhigayaa inuu qofka Ajaanibka ahi uu dalka dhul ku yeelan karo, dhisana karo. Haddaan si kale u idhaahdo qofkaasi ajaanibka ahi deegaan ayuu noqon karaa. Haddiiba sharcigeenii kaas yahay, itoobiyaankuna ay raaadinayaan wadiiqadii ay u mari lahaayeen deegaanimada, miyaanay inoo addeegsan karin isla sharcigan aynu inagu dhoobdhoobanay. Miyaynaan matalin doqontii xadhkaha lagu xidhayey soohanaysay.
Maxaa xal ah?
Xalka waa wadaniyad xoogan, wax kale maaha, waxaynu u baahanahay inaynu dalkeena u damqano, inaynu cadowgeenna iyo walaalkeen kala garano, inaynaan dannaha siyaasadda ka horeysiin jiritaankeena iyo ummadnimadeena. Garaadkayga haddaan kaashaday, xalku waa laba arrimood inaynu dawlad ahaan ku dhaqaaqno.
Ugu horeyn, waa inaynu noqonaa ummad soo jeedda oo baraarugsan, ka war haysa waayaha mandaqadda iyo qaaradaba. Adduunyada laguma arag dal inta layska soo galo, marka la doonana laga baxo. Waxaynu u baahanahay siyaasad cad oo dadkan dalkeena soo galay lagu xakameeyo, siyaasad ilaalinaysa xuquuqdeena ummad ahaan iyo ta haajirka labadaba, siyaasad aan iyagana lagu dulmiyeyn laakiin xad iyo maamul u sameynaysa. Tirokoob waa in lagu hayaa, waa iney diwaangashan yihiin, waa in laga warhayaa fikirkooga iyo dhaqdhaqaaqooga, hadday baxayaan iyo hadday soo galeyaan ba.
Inaynu wadaniyadda xoojinaa waa xalka ugu haboon ee aynu ku ilaashan karno jiritaankeena qaranimo amaa ummadnimo, dadkeenu way ka arradan yihiin hugga dugsoon ee wadaniyadda, danta guud, danta shakhsi ayaa laga horeysiiyaa. Qabiil baa qiimo tiraya qarankeenii. Carruurteenii ayeynu ka dhaadhacin kari waynay dalkaaga gaajo uguma dhimanaysid, waa kuwaa suudalaya ee doobkeenii iyo gashaantimaheenii ba yeyda, halaqa, saxaraha iyo baddweyntu cidhibtiray. Haddaynaan mashaakilaadkaa xalkooga helin maba nihin dee ummad jirta. Waxaynu u baahanahay aqoon wadaniyaddeed oo manhajkeena lagu daro, manhaj soo saare sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Timmacade, Af-qalooc, Sh. Bashiir iyo……. Raggii dalka u soo dhintay, raggii dadnimada lahaa, wadaniyaddoodii, hal-adeygii, geesinmadii iyo indheergaranimadoodii ayaa ah wax lagaga daydo.
Itoobiya waxay maagantahiyo,
Waxay maleegayso
Makhriga khiyaanada
Mulaxan, mala awaalkeeda
Munaafaqa manfaca loo
Luliyo, doqoni waa mooge,,
- MIDNIMO, Axmed Colaad (Qorane).
Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed Cilmi (Good Lawyer)
Jaamacadda Hargeysa, Kulliyada Sharciga
4460167
awmuxumed@yahoo.com
walee waa runtaa sxb cid wax ka qabanaysaana ma jirto e waa in shicibku
wax ka qabtaa dadkana dhulkoodii lagu celiyaa
axmed hanad
September 11, 2010 at 1:24 pm