Madaxwayne siilaanyo haddii uu Agaasimayaal u magacaabo Aqoonyahanada Jamaacadaha dalka gudahiisa Wax ku bartay waxay yaraynaysaa tahriibta(Maqaal)

Filed under: News in English |

Sayid Ali Taman oo ka mida ardaydii hore ee ka baxday jaamacada hargaysa ayaa waxaa uu usoo jeedinayaa nadaxwaynaha jamuuriyad a Somaliland mudane Axmed Maxamaed Maxamud (Siilaanyo ) in uu hoos u eego aqoonyahanada jaamacadaha dalka gudihiisa kasoo baxay kuwaas oo qayb mugle ka qaatay guusha uu madaxwaynuhu ku hantay talada dalka .

Waxaan usoo jeedinayaa madaxwaynaha in uu qayb mugle ka siiyo agaasimayaasha uu dhawaan soo magacaabidoono dhalinyarada gudaha wax ku baratay

Ayadoo sare uqaadaysa moralka dhalinyarta guud ahaan , waxaana hubaal ah in ay yaraynayso tahriibta isla markaana ay sare uqaadayso waxbarashada dalka guhiisa.

Waxaa xusid mudan in dhawaan dhalinyarta badankeedu ay quud dareeynayeen in wasiirada wax laga siiyo taasina aanay dhicin .

Iyada oo aan  og nahay in dhalinyartu tahay ta ugu badan ee isbadalka doonaysa waxayna diyaar utahay in laga munaafacaadsado tamartooda , aqoontooda iyo waayo aragnimada ay wadandka gudihiisa uleeyihiin .

Waxaana hubaal ah in qofka dhalinyarta ah ee gudaha waxku bartay kana qalin jabiyay jaamacadaha dalka, kana shaqeeyay, kuna soo koray uu kaga waayo aragsanyahay cid kastoo dibada laga soo xushay .

Waxaana hubaal ah in qofka dhalinyarta ah ee loo dhiibaa xil uu ka nadiif sanyahay qofka da’da weyn. Waxa iyana qofka dhalinyarada ahi iska damacsanyahay mustaqbal,magac iyo sharaf isla markaana malaha musuq maasuq iyo wax dhaawici kara sumcadiisa iyo shaqadiisa.

Waxaa tusaale kuugu filan qaabkii balaadhnaa ee ay uga soo qayb qaateen doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka kasoo dhacay oo ay u dambaysay tii madaxtooyadu.

Dowladii hore ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin hogaaminaayay wax mansab ah umay ogoleyn dhamaan golayaasha, waxyaabahaasna waxay kamid ahaayeen waxyaabihii lagu badalay  dowladii hore ee ay dhalinyartu uga soo horjeedsatay.

Mudane madaxwayne waxaad og tahay duruufaha dayarta ku xeeran sida mansab la aanta , shaqo la aanta iyo tix galin la aanta aqoontooda.

Adigoo aad ula soo dhaqmay mudadii dheereed ee aad mucaaradka ahayd, dhalinyarta badan kooduna ay mucaarid kula ahaayeen .

Hadaba haddii aad adigu ku guulaysaatay yool kaagii, dhalinyartuna waxay doonayeen waa wax adiga kugu xidhan oo aan cid kale loo daba fadhiisanayn, maantana  dhalinyartu waxay ku kalsoonyihiin kuna qanac sanyihiin shahaadooyinka ay dalka gudihiisa ku qaateen, kuna rabaan in aad ku aqoonsato uguna magacowdo xilalka kala duwan sida agaasimayaasha guud, oo aanad ka fadilli doonin ama ka doorbidi doonin dayarta kasoo baxday jaamacadaha dalka dibadiisa .In kastoo iyaguba xaq ulleeyihiin  hadana waa in muhiimada la siiyaa dhalinta waaya araga u ah dalka iyo dadkaba.

Kadib magacaabistaadii dhawaan wasiirada iyo xilakii kala duwanaa  oo aanu ku jirin qof kaliya oo jaamacadaha dalka gudihiisa kasoo baxay.

Hadaba madaxwayne waxaan filayaa in aad dib ugu dhigtay waxaad ugu tala gashay oo aan filayo in aad raxan agaasimayaal ah umagacaabi doonto dhawaan. agaasimayaasha aad soo magacaabayso iyo xilalka kala duwan waa in dhalinyaradani saami weyn ka heleen si ay dhalinyartu uga qaybqaataan horumarka dalka.

Sayid Ali Taman

Sayid.tamaam@gmail.com

One Response to Madaxwayne siilaanyo haddii uu Agaasimayaal u magacaabo Aqoonyahanada Jamaacadaha dalka gudahiisa Wax ku bartay waxay yaraynaysaa tahriibta(Maqaal)

  1. en runtii aaad baan ugu farasanahay horumarka ay siimaaliland dhalinyaradooda gaartay waaana muhiim in saaami qaybsi laga siiyo dawlada gaar ahaan agaasimayaasha lkn waxaaan kula talin lahaa soomaaliland inay san ka go in walaalaheeda soomaaliyeed waaayo waynu isku baaahanahay waxaana laraaaba in dhibka kataagan soomaaliya ay wax ka xaliyaaan

    maxamed c/laaaahi maxamed
    November 7, 2010 at 8:58 am

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>