Muqdisho-Somalia-Aug13-10-(SDN)-Waxay Maalintii Shalay ahayd ku beegneyd 12-Agousto oo ah Maalinta Dhalinyarada Aduunka, sanad kastana si wayn looga xuso dhamaanba Caalamka.
Munaasabado maalintan lagu xusayo ayaa ka dhici jiray Gudaha Soomaaliya marka la gaaro maalintan oo kale, waxaana ay si wayn munaasabadahaas u dhiiri galin jidheen Dhalinta oo iyagu ka qayb gali jirtay xusida iyo maamuusida maalintan sida gaarka ah iyaga u saameyneysay.
Munaasabada Sanadkan wax sidaas ah kama duwanayn kuwii iyada ka horeeyay marka laga eego Maamuusida iyo xusaska loo samaynayo, waxaana Xaflado kala duwan ay ka dhaceen Muqdisho iyo qaybo kale oo dalka ka mida.
Xaflad aad u heer saraysay oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magalada Muqdisho, waxaana munaasabadaas kasoo qayb galay dhamaanba dhinacyada kala duwan ee Bulshadda oo ay horkacayeen Mas,uuliyiinta dowladda KMG ee Soomaaliya sida wasaaradaha qaabilsan xuska maalintan iyo kuwo kale oo marti sharaf ku ahaa.
Wasaarada arimaha Dhalinyarada iyo Sportiga dowladda KMG ee Soomaaliya oo maamuuska iyo qaban qaabada Xafladan iska lahayd isla markaana maalmihii lasoo dhaafay oo idil diyaar garow xoogan ugu jirtay maalintan ayaa qayb ka ahayd wasaaradihiii kasoo qayb galay, iyadoo Wasiiradda Wasaaradaasi Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ay hadal qiiro badan ka jeedisay goobta.
Wasiiraddu waxay si wayn uga sheekeysay munaasabadda iyo qiimaha ay ku leedahay Bulsha waynta Caalamka dhexdooda, waxayna sidoo kale ka hadashay xaaladda iminka heysata dhalinta Soomaaliyeed oo u baahan in wax laga qabto maadaama dalku uu ku jiro dagaal iyo dhibaatooyin kale oo saamayn gaar ahna ku yeeshay dhalinyarada.
Waxaa munaasabada ka hadlay sido kale Wasiirka Jiheynta iyo hub ka dhigista Maliishiyadka Mudane Cumar Cali Rooble oo wax laga xumaado ku tilmaamay xaaladda ay maant aku jiraan dhalinta Soomaaliyeed oo iyagu noqday kuwo qaybta ugu wayn ka qaata burburka ka jira dalka.
Waxa uu ugu baaqay in Dhalinyaradu ay ka waantoobaan hubka ay sidaan oo aanay jirin wax faa,ido ah oo uga soo kordheysa, isagoo xusay in ay nasiib daro tahay in Dhalinyaradi laga dhaadhiciyay in ay iyaga kaliya yihiin Muslim dadka oo macno daro loo dilana ay tahay mid saxan oo Diinta ku salaysan.
Munaasabada waxaa kaloo ka hadlay mas,uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya iyo waxgarad kale oo dhamaantood niyad jab ka muujiyay xaalada ay dhalintu ku jiraan oo aad u xun kuna baaqay in wax laga badalo sida ay xaaladu iminka tahay.
Marka laga soo tag munaasabadahan lagu xusayay Maalinta Dhalinyarada ee ka dhacay Muqdisho iyo qaybo kale oo dalka ka tirsan waxaan jeclahay in Qormadan aan kusoo qaato in yar oo ka mid isbadalada ka jira dalka gaaar ahaana Caasimada Muqdisho Sanadkan.
Magaladu ma lahan muuqaal magaalo, waxayna mudo Sanad kasii badan ku jirtaa dagaal aan dhamaad lahayn oo ka qayb galayaaashiisa ugu badani ay yihiin Dhalinyaro.
Xaafadihii magalada badankood waxay noqdeen goobo aanay cidna ku nooleyn, waxaadna ku arkeysaa marka aad maagto booqo inkastoo ayba adagtahay in aad tago hadana waxaad arkeysaa Geedo iyo Dhirta noocyadeeda kala duwan oo kasoo baxay Wadooyinka Laamiyada ahaa iyo kuwii kale ee dhex qaadi jiray xaafadaha Muqdisho.
Dhalinyaro aan ogayn sababta ay dagaal galayaan ayaa ku jira Godad iyo Darbiyo si adag looga dhex sameeyay Xaafadahaas, kuwaas oo kasoo kala jeeda Safafka dhinacyada ku dirirayay magalada, waxuuna mid kasta oo iyaga ka mida yahay mid saxan oo aanay jidhi cid hadal ku celin karta.
Dhibka sidaasi ah waxa uu keenay in Boqolaal ka mida Shacabkii Muqdisho ay u dhintaan dagaalada aan hadafka lahayn isla markaana aanay jidhi cid ku awood roonaanaysa ee kasii soconaya magaalada.
Hooyo, Caruur iyo Waayeel intaba uma uusan nixin dagaalka soconayaa, waxaana ku baaba’ay dad guryahooda ku jiray oo aanay jidhin sabab ay ku muteysteen in dhiigooda la daadiyo.
Mana jirto cid doonaysa in ay arintaas ka hadasho ama ay isku daydo xal u helideeda, waxaana Shacabki Soomaaliyeed uu noqday mid u hogaansan wadada Halaaga ah ee ay u horkacayaan Dhalinyarada jihadu ay ka luntay ee hubka u xambaarsan in ay wax ku laayaan iyagana lagu laayo, taasina waa mid dhamaadkeedu uu noqon doono burbur iyo halaag guud uu ku habsada Soomaalida hadii aan dag dag wax looga qaban sida dadka waxgaradka ah ee ka haray inta ku luntay jawiga siyaasadeed ee khaldan ee ka jira dalka ay qabaan.
Inkastoo badi dhalinti ay ku jiraan jawigaas khaldan ee halaaga ah ayaa haddana waxaa nool wali Dhalinyaro ka nadiifsan afkaarta wax burburinta ku salaysan ee dalka hareeysay, kuwaas oo iyagu aad arkeyso in ay xooga saarayaan dhisida Mustaqbalkooda si ay wax isu taraan aayahooda dambe
Mid ka mida Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho oo Shabakadan ay la hadashay ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay muuqaalka ka taagan maanta Soomaaliya guud ahaan gaar ahaana Caasimadii Muqdisho.
“Waxaan aad uga walaac qabaa dhibaatada dalka ka jirta, Dhalinyaranimadi waxay nagu abuurtay walwal iyo naxdin aan yarayn, kuwa ka qayb galaya dagaalada ka jira dalka waa Dhalinyaro, sidaa darteen waxay intii aan howshaas ku lugta lahayn iyaguna noqdeen kuwo la beegsanayo maadaama cabsida laga qabo dhalinta ay noqotay mid aad u xoogan oo dhinac walba oo ka mida kuwa hubaysan uu shaki kaa qabo hadii uu ku arko, marka wax aan samayno ma naqaan, laakin hadafekeyga waa in aan teyda u shaqaysto mar hadii xaaladi ay kala carar isku badashay, mana doonayo in aan cid dhibaateeyo” ayuu yidhi Wiilkan oo magaciisa qariyay.
Waxaa la mid ah Wiilkan boqolaal iyaguna ka tirsan Dhalinta Muqdisho ku nool oo aaminsan in waxa dalka ka taagani ay yihiin Fidno umaddu ay ku halaagsamayso hadii an laga waantoobin, waxayna rumaysanyihiin in Dhalinta lagu adeeganayo ee dagaalada ku jiraa ay iyaga un waqti dambe ka shalayn doonaan waxa ay hadda faraha kula jiraan.
“Waxaan ka mid ahaa dhinacyadii dagaalka ku jiray ee hubka sitay, Sanad ka hor ayaa Xabad igu dhacday, waxaana isoo gaaray Dhaawac oo gacan ayaan ka go’ay , markaas ayaa iigu dambeysay cid isoo fiirisa ama xaalkeyga iga wareysata, raggii aan u shaqaynayay ee marki aan xooga lahaa I danaynayayna waa ay iga sii jeesteen oo waxaan is arkay anigoo jiifa gurigeyga ayna I garab joogaan waalidkey iyo walaalahay oo kaliya” sidaana waxaa ku qaylinayay Wiil Dhalinyaro ah oo gacanta ka go,an oo aan ku arkay meel ka tirsan Muqdisho Shalay xilli aan usii socday ka qayb galka mid ka mida Munaasabadihii lagu xusayay Maalinta Dhalinta Aduunka.
Ma ahan Isaga oo kaliya Wiilkan kale kuwa ku waxyeeloobay dagaalada ka socda Muqdisho oo marki horana ka mid ahaa dhinacyada hubka sidda balse markay waayeen qaybo jirkooda ka mida la dayacay oo dadkii ay rasaasta u ridayeen ay banaanada kusoo xooreen ogaadayna markaa ka dib in ay nasiib daro la kulmeen oo khalad cad ku dagaalamayeen cid dan ka lahaydna aanay jirin.
Isku soo wada duube Shacabka Soomaaliyeed waxaa heysta Musiibo aan helin dad ka mida dadka ku nool Dunida, waxaana mudo Labaatan Sano ah uu ku noolyahay dagaal Sokeeye iyo kala qob qob dhexdiisa ka jira oo u diiday in uu helo dowlad iyo nidaam loo dhanyahay oo kor u qaada sumacada iyo magaca Soomaaliyeed ee berri ahaa mid sharaf leh laakin iminka aan cid danaynaysaahi la arkin.
Dhibaatadaas heysata Umadda Soomaalida ahna ma ahan mid kor kaga soo dhacday ama ay ku lug leeyihiin dhinacyo shisheeye, balse waa mid ay sabab u yihin dadka Soomaaliyeed laftooda oo aan garan macnaha ay leedahay in la helo nabad iyo xasilooni kuna indha taagaya oo kaliya in ay sii huriyaan dagaalo ay iyagu u arkaan mid qiimo iyo magac usoo hoynaya shaqsiyadoda gaarka ah ama danta Qabiilka ay ku abtirsanayaan, hase yeeshee khatar ku ah jiritaanka Soomaalida oo dhan oo cid gaar ahni aanay wax natiijo ah ka gaari doonin inta uu sii socdo dagaalkaas .
Waxaana tusaale taa ugu filan Labaatanki Sano ee uu dagaalku socday oo aan la arag cid ka mida kuwii u ololeynayay sii socoshadiisa oo guul muuqata ka gaartay, marka laga reebo in tuulo kasta iyo degmo kasta o Soomaaliya ka tirsan ay halaag iyo musiibo daran ka dhaxashay dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ay umaduna ogaan la’dahay dhibkooda iyo muhiimada ay leedahay in la joojiyo.
Qormadaynana waxaan kusoo afmeereynaa Ooraahda Soomaaliyeed ee oranaysa ( Dagaal Wiil ayaa ku dhinto ee Wiil kuma dhasha) oo ah mid u dan ah dhamaan dadka Soomaalid ah ee ku marin habowsan dagaalada tuseysana in aanay marnaba wax guul ah iyo natiijo intaba ka dhaxli doonin dagaalka marka laga reebo in ay ku baaba’aan kuna waayaan Wiilasha Dhalinyarada ah ee mustaqbalka ifaaya lahaa oo ay iyagu ku qaldeen hurinta dabka dalka ka shidan oo Xaabadoodu ay mar kastaba Dhalinyaradu noqdaan.
Newsdesk-Muqdisho-Somalia