Somaliland waxa dhawaan ka dhacay doorasho keentay in lagu guulaysto dawladdii hore ee wadanka ka jirtay laguna badalo codka dadweynaha (People’s vote).
Marka la eego dhinaca siyaasadda ummuurtani waa mid muhiim ah oo soo kicisay ididiilada dadka reer Somaliland meel kasta ha joogaane iyo dadka kale ee Soomaalida ah ee qalbiga wanaagsan. Waxa ay dhidibka u sii aastay nabadgalyadii iyo dimuqraadiyadii Somaliland.
Wadanka Kenya waxa loo codeeyay dastuur cusub oo lagu dhiqi doono wadankaasi sanadaha badan ee soo socda. Dadka Soomaalida ah ee reer Kenya waxa ay ka mid yihiin qoomiyadaha u codayn doona distoorka “HAA” (Taas oo ah in ay ku faraxsan yihiin distoorka cusub). Distoorkani waxa uu siinayaa xuquuq badan oo ka maqnayd illaa intii dawladda Kenya xornimada qaadatay. Kenya intii ayna dawladnimadda qaadan, wadankii Ingiriiska ee gumaysanayay waxa uu afti ka qaaday 1962 Soomaalida Kenya oo markaa la odhan jiray NFD. Boqolkiiba sideetan (80%) waxa ay u codeeyeen in ay Soomaaliya raacaan, taas oo markii dambe siyaasiyiintii reer Kenya ee ugu horeeyay Jomo Kenyatta iyo dawladdii Ingiriisku horjoogsadeen.
Illaa 1991 waxa dadkaa Soomaalida ah dul saarnaa xukunka degdega ah (Emergency Law) waxa ayna Kenya ka ahaayeen muwaadiniin kala dhantaalan (second citizens). Waxa maanta dastoorkani siinayaa in ay xuquuqdoodii oo dhan helayaan iyaga oo la siman qoomiyadaha kale ee reer Kenya. Taasina waxa weeyaan guul u soo hoyotay gaar ahaan Soomaalida Kenya iyo guud ahaana Soomaalida.
Dhinaca kale, dhawaan waxa heeshiis dhex maray Jabhado dagaal kula jiray dawladda Itoobiya oo ka soo jeeda degaanka Soomaalida ee Itoobiya (Zone 5). Waxana ka mid ahaa jabhadahaasi WSLF iyo ONLF. Dagaalkaas oo muddo badan socday oo istaagaana waxa uu fursad siinayaa Soomaalida Itoobiya in ay si nabad galyo ah u maamulaan noloshooda, kana faa’iidaystaan mashaariicda horumarineed sida qoomiyadaha kale ee Itoobiya. Waxa kale oo arrintani siiba guul u tahay Somaliland oo wax badani isaga xidhan yihiin Kililka 5aad (Zone 5). Ummuurahaa dhan marka aad eegto waxa aad odhankartaa WAA CUSUB oo ididiilo leh ayaa u baryay Soomaalida guud ahaan. Somaliland waxa dhawaan ka dhacay doorasho keentay in lagu guulaysto dawladdii hore ee wadanka ka jirtay laguna badalo codka dadweynaha (People’s vote).Marka la eego dhinaca siyaasadda ummuurtani waa mid muhiim ah oo soo kicisay ididiilada dadka reer Somaliland meel kasta ha joogaane iyo dadka kale ee Soomaalida ah ee qalbiga wanaagsan. Waxa ay dhidibka u sii aastay nabadgalyadii iyo dimuqraadiyadii Somaliland.
Wadanka Kenya waxa loo codeeyay dastuur cusub oo lagu dhiqi doono wadankaasi sanadaha badan ee soo socda. Dadka Soomaalida ah ee reer Kenya waxa ay ka mid yihiin qoomiyadaha u codayn doona distoorka “HAA” (Taas oo ah in ay ku faraxsan yihiin distoorka cusub). Distoorkani waxa uu siinayaa xuquuq badan oo ka maqnayd illaa intii dawladda Kenya xornimada qaadatay. Kenya intii ayna dawladnimadda qaadan, wadankii Ingiriiska ee gumaysanayay waxa uu afti ka qaaday 1962 Soomaalida Kenya oo markaa la odhan jiray NFD. Boqolkiiba sideetan (80%) waxa ay u codeeyeen in ay Soomaaliya raacaan, taas oo markii dambe siyaasiyiintii reer Kenya ee ugu horeeyay Jomo Kenyatta iyo dawladdii Ingiriisku horjoogsadeen.
Illaa 1991 waxa dadkaa Soomaalida ah dul saarnaa xukunka degdega ah (Emergency Law) waxa ayna Kenya ka ahaayeen muwaadiniin kala dhantaalan (second citizens). Waxa maanta dastoorkani siinayaa in ay xuquuqdoodii oo dhan helayaan iyaga oo la siman qoomiyadaha kale ee reer Kenya. Taasina waxa weeyaan guul u soo hoyotay gaar ahaan Soomaalida Kenya iyo guud ahaana Soomaalida.
Dhinaca kale, dhawaan waxa heeshiis dhex maray Jabhado dagaal kula jiray dawladda Itoobiya oo ka soo jeeda degaanka Soomaalida ee Itoobiya (Zone 5). Waxana ka mid ahaa jabhadahaasi WSLF iyo ONLF. Dagaalkaas oo muddo badan socday oo istaagaana waxa uu fursad siinayaa Soomaalida Itoobiya in ay si nabad galyo ah u maamulaan noloshooda, kana faa’iidaystaan mashaariicda horumarineed sida qoomiyadaha kale ee Itoobiya. Waxa kale oo arrintani siiba guul u tahay Somaliland oo wax badani isaga xidhan yihiin Kililka 5aad (Zone 5). Ummuurahaa dhan marka aad eegto waxa aad odhankartaa WAA CUSUB oo ididiilo leh ayaa u baryay Soomaalida guud ahaan.