Magacaabida xilka jagada Chief of Staff ama Abaanduulaha Madaxtooyada (AM) waxay horseeday dood dheer oo saamaysay rayigii dadweynaha ee xilkan. Bal aan isku dayo inaan khatimo doodan. Abaanduulaha Madaxtooyada (White House Chief of Staff) waa xafiis u gaar ah dalka Maraykanka oo aynu ka soo qishnay qaab dhismeedkeena dawladeed. AM wuxuu awoodiisa ka soo dheegtaa Madaxweynaha oo badanaa xilkan u magacaaba siyaasi bisil oo uu ku kalsoon yahay oo gadhwadeen ka noqda maamulkiisa fuliyana awaamiirta & ajandhaha Madaxweynaha. Akhristow ha dhayalsan karaamada Abaanduulaha Madaxtooyada. Waa siyaasiga keliya ee si joogta ah Madaxweynaha fursad ugu hela (White Houska labadooda xafiis baa isku xiga). Waa siyaasi awood u leh inuu Madaxweynaha ka joojiyo markuu jar ka dhacaayo; dhiiriyo markuu xaq ku taagan yahay. Waa sababta AM looga dhigi waayey heer darajo wasiir oo u baahan ansaxinta Golaha Senetka (oo ansaxiya xil walba oo uu Madaxweynuhu magacaabo).
Bal aan soo bandhigo siyaasiyiintii sadex Madaxweyne oo Maraykan ahi u kala igmadeen xafiiskan:
1989: Madaxweyne George W. Bush wuxuu xilkan u magacaabay Eng. John Sununu oo hore u ahaa Badhasaabkii gobolka yare ee New Hamshire kana masuul ahaa guushii uu Bush ka soo hooyey is reeb-reeb kii wareegii koobaad (Republican Primary) ee tartankii xisbiga Jamhuuriga ee Madaxtooyada oo gobolkan yar loogu horaysiiyo. Akhristow saxaafada dalka Maraykanku arintan si cunsuriyadaysan bay uga biyo diiday waxayna ku hadaaqday: Maraykan gacanta wuxuu u galay dad aan asalkooda la garanaynin! Sababta kaliftay weedhahan qalafsan waxay ahayd Eng. Sununu oo awowgiisii afraad ka soo haajiray dalka Lebanon!!!!
2009: Madaxweyne Barack Obama wuxuu xilkan u igmaday Emanual Rahm oo mar ka mid ahaa ciidamada difaaca ee Israel horena xubin uga ahaa Golaha Wakiilada ee dalka Maraykanka (2004-9). Madaxweyne Obama kumuu guulaysteen inuu ka ansaxiyo Kongreska Maraykanka Xeerkii Caafimaadka ee ay hore ugu fashilmeen todoba Madaxweyne oo hore hadii aanu Mr. Emanuel Rahm gadhwadeen ka ahayn maamulka Obama. Kartida & xilkasnimadda Mr. Rahm baa suurtagelisay guushan sugtay taariikhda uu Obama ka galay dalka maraykanka.
1974: Madaxweyne Richard Nixon wuxuu xilkan u magacaabay General Alexander Haig oo ahaa Ku-xigaha Lataliyaha Arimaha Badbaada Qaranka (Deputy National Security Advisor). Madaxweyne Nixon barigaa wuu khaakhaayirsanaa wuxuuna aaminsanaa in haldoorkii reer bariga Maraykanku (Eastern Establishment) ay ka danbeeyeen fashilaadii fadeexadii Water Gate ee lagu jabsaday xaruntii Xisbiga Dimoqradiga. Dalka Maraykanku waagaa wuxuu ku sigtay inuu ku halaagmo dagaal sokeeye. Laakiin Gen. Haig baa badbaadiyey dalka markuu Madaxweyne Nixon u badheedhay ee uu ku yidhi:
“Madaxweyne ciidamada oo keliya baad taageeradooda haysataa”. Markaasu Nixon go’aansaday inuu saxeexo waraaqdii istiqaaladda ee uu Gen. Haig soo diyaariyey.
Xaga Maamulka Madaxtooyada:
Xaga maamulka waxaa AM toos u hoos yimaada saraakiishan hoos ku xusan:
(1) Xoghaya Warfaafinta (White House Press Secretary).
(2) Agaasimaha Isgaadhsiinta (Director of Communications).
(3) Ku-Xigeenka Abaanduulaha (oo u xilsaaran xidhiidhka Goleyaasha).
(4) La-Taliyaha Garsoorka (Legal Advisor).
(5) La-Taliyaha Badbaadada Qaranka (National Security Advisor).
Waxa kaley oo Abaanduulaha Madaxooyada hoos yimaada shan (5) Wasiir oo xafiisyadoodu ku yaalaan Madaxtooyda oo kala ah:
(1) Agaasimaha Miisaaniyada & Maamulka (Office of Budget & Management).
(2) Maamulaha Hayada Ilaalada Degaanka (Environmental Protection Agency).
(3) Dal-jiraha Maraykanka ee Ganacsiga (U.S. Trade Representative).
(4) Dal-Jiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay (UN Ambassador).
(5) Gudiga Dhaqaalaha Qaranka (National Economic Council).
Ugu danbayn dalka Maraykanka wali siyaasi hore u noqday Abaanduulaha Madaxtooyada looma dooran Madaxweyne. Laakiin dalalka uu Ra’iisal Wasaaruhu (RW) ka yahay hogaamiyaha dawladda (head of government) xafiiska Chief Cabinet Secretary (Xoghaya Golaha Wasiiradda) waa xafiiska lagu carbiyo aarka Rai’isal Wasaaraha badali doona.
Abdihakim Yusuf Kheire, President, Institute of Democracy & Governance