Xaal Qaado Saadoy.

Filed under: News in English |

Dhaqanka Somaliland ee soo jireenka ah ina faraya in caano daatay dabadood la qabto qaladna aan qalad lagu sixin wixii dadka ehelka ah iska galana sida u turxaan yar loo kala furdaamiyo.
 
Isaab laba xeeran, hidana umaynu lahaan jirin in ina rag dumarka la goo-goosto ama jawaab mutuxan isula soo taago, waxaana dhacday nasiib darro ah in dadka qaar ay ku nool yihiin caqliga cajaladda hagaysaaba ay shaqada bilawday 1991 iyo wixii ka danbeeyay, dadkaas oon lahay kayd taariikheed iyo waaya arag ay soo xigtaan marka taariikhda dalka iyo wixii dhacay la soo hadal qaado.
 
Fanaanadda waxaan leeyahay xaal iyo shaalba ka qaado gaadafadii ay kugula kaceen kuwii magaca ummada Somaliland sida afduubka ah u hororsaday, kuwaas oon ehel u ahayn la ajan qaadi karaan halkii hadalku taagnaaba balse meel gaaban oo guka xaadis ah si caadifaysan oo miyir la isu soo maqiiqay sheekadiina majara habaabiyay.
 
Xaq baad  u leedahay Saadooy inaad siyaasad ahaan ka duwanaato siday rabaan dadka badankoodu, waxaanad ku dhiiratay inaad liiska dadka in lala xisaabtamo ay tahay ku soo dartay kii kuugu xigay oo ah Axmed Saleebaan Cabdalle”Ina Dafle” ee xaal qaado hadii naqaskiiba lagugu dhajiyay oo shib dheh hana hadli lagu yidhi.
 
Waxaa si xor ah oo xalaal ah u cadeeyay qofka ay tahay Saado taariikhyahanka loo daba fadhiisto ururinta dhacdooyinkii mudnaa ee taariikheed siiba tii S.N.M Muj. Cabdi Yuusuf Ducaale”Boobe” oo qayb dhan kaga hadlay Saado Cali waxay gasho iyo waxay gudo, oo isagoo kala masuugin cadeeyay kaalintii ay ku lahayd halgankii lagala hor yimid Siyaad Barre iyadoo waliba dumar ah dalkana aan ka bixin.
 
Waxaad arintaas akhristow ugu noqotaa buuga Boobe qoray ee la yidhaahdo”Deelley Saadaashii Rumawday” wuxuu boobe u qiray Saado wixii ay ka dhiibatay ee suugaan ahaa kuna macaariday Afwayne. waxaan odhan karaa Saado waa kaas mawqifka rasmiga ka ah inta wax ku oolka ah ee u dhalatay Somaliland, markaan waqti u helana waaban soo xigan soona wada guuray hadalka Boobe maadaama aan buuga la wada hayn.
 
Saado kali kuma aha ka soo horjeedka Somaliland gooni isu taageedda waxaana la wadaaga dad badan oo waliba iyagu mar kaliya ayay oo waliba dhawaan ah ee iyagu la soo taagan 19 sanadood waxaana ka mid ah dadka uga horeeyay Saado arintan.
1.Buubaa
2.Sifir
3.Oomaar
4.Jaamac Yare iwm.
 
Inuu qofku rayigiisa cabiro waa u xor suurta galna maaha in la waayo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oon ku qanacsanayn sida dadku doortay, wax wayn oo lala yaabanaya maaha muxuu hebel inooga duwanaaday ama maxaa meel loo wada mari waayay, Rabigii sameeyay baaba dad bdani diiday oo rasuulkiisii suubaanaa baaba dadku wada raaci waayay.
 
Intaasi waa iga xaal iyo afeef eedi hayga hadhee, waxaanan filayaa inay u gogol xaadho qormada soo socota oon wax kaga odhan doono meelaha aan is leeyahay Saado way u baahan tahay in laga toosiyo lagagana duwanaado oon dood ahaan ila sax sanayn.
 
kulan danbe
Jamaal-Samakaab

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>