Saadooy maan jeclayn inaad noqoto haweenaydii koowaad ee dagaal oogto ah War-Lady

Filed under: News in English |

Taariikhada socata ayey caado u tahey iney maalinba dhacdo ama dhacdooyin cusub
inugu casuunto, maanta waxa inagu cusub in gabadh Fanka Somalida caan ku aheyd oo aad loo jeclaa, ay mar qudha intey dharkii fanka tuurto ku doorsato iney noqoto Dagaal oogto weyn.
By:Mustafe Aw Adan

Ex- Al Fannaandii weyneyd ee Saado Cali Warsame (Saado Cunaabi), ayaa waxey  mar
qudha si lama filaana ugu xuubsiibatey iney noqoto Qabqableysadii dagaal ee ugu
horeysa taariikhda Somalida.

Taariikhada socata ayey caado u tahey iney maalinba dhacdo ama dhacdooyin cusub
inugu casuunto, maanta waxa inagu cusub in gabadh Fanka Somalida caan ku aheyd oo
aad loo jeclaa, ay mar qudha intey dharkii fanka tuurto ku doorsato iney noqoto
Dagaal oogto weyn. Qabqableyso dagaal Saado Cali Warsame ayaa shaaca ka qaadey iney
u hamumeyso ama Alle ka baryeyso inuu daato dhiig cusub, dhiigaas oo weliba macno
la`aan u daata.
Dagaal oogto Saado cali ayaa qiratey iney horjooge iyo abaanduulaba u tahey Jabhad
cusub oo lagu magaaco SCC.

Jabhada SCC waxaa sida muuqata ay copy gareynsa ama ay canjileysa jabhadii SNM ee ka
dagaalantey dulmigii ku dhisnaa isir naceybka ee taliskii Siyaad Bare uu ku hayey
inta badan dadka dega dhulka Somaliland, taas oo aakhirkii keentey in taliskii
xidida loo siibo lana helo Sinaan iyo cadalaad lagaga naalodo Somaliland oo maanta
caalumku ku amaanyo nabada iyo xasiloonida ka jirta.

Waxaa la yidhi baribgaa Islaan wiilkeedii dhintey oo booraraneysa ayey qof kale oo
dumari u timid,waxaaney ku tidhi maxaa ku helay, waxey ku tidhi iga aamus
curadkeygii ayaa la aasaya. Tii kale ayaa tidhi curadadii loo soo galyoo kaayagiiba
kabaa ka luntey. Waxaa maanta ka dhigan Jabhada SCC, iyo dagaal oogto Saado Cali
Warsame, oo leh SNM ayaa jabhad dagaalanta aheyd oo dawlad dikteytar oo aanu isku
qabiil aheyn ridey, that is why aanu u dagaalmeyno.

SNM waxey ka dagaalntey. Gabadhan quruxda badan aniga ayey igu fiicantahey, guri
qurux badan ma dhisan kartid, gaadhi qurux badan ma iibsan kartin, passaborka dalka
Muqdisho u doono, xasuuq, bahdilaad, baad ka qaadid, bando, xadhig, jidh dil, ninkii
aqoon lahaa oo jeelka lagu silciyo, iyo dhawaan inta xun ee umad la badoQabqablyso
Dagaal Saado Cali iyo Jabahada SCC hadii maanta ay ka dagaalamayan dulmi lagu hayo,
waxaa igu dhaara inaan tageero, hadii kibir iyo kabaa naga luntey ay u dagaalamayana
waxaa fiican in caqliga laga shaqeysiiyo oo la ogaado inaan dagaal iyo dhiig daata
faa`iido ku jirin.

Dagaal oogto Saado Cali oo Darwiishyada dagaal ku guubineysa waxaa heesaheeda ka
mida dalka yaan la kala jarin. Dalka imika lama kala jarin Saadoy waxaa la kala
jaray markii Diyaaradahii qaranku intey Garoonka Hargeisa ka kacan ay kumaankunka
shicibka ah gumaadayeen, markii madaafiicdii Atalerga aheyd ee loogu tala galey in
cadowga lagu difaaco, si bilaa naxariisa laguu dumineyay dariihii Hargeisa-Burco-iyo
Berbera. Somaliweyn saxa oo cadaalad iyo sinaan ku nool hadad soo helayso, la kaaley
anagaa ka iibsanayna e.  Waa la waayey miyaa?. Dayaxa hadii la waayo xidigaha ayaa
lagu gudaa.

Waxaan ku soo xidhaya South Afirca waxaa ku wada nool cadaankii tirdada yaraa ee
gabood falka ba`an sameeyay iyo madowgii lagu jawr fali jirey waxaana la isla
gartey, in aan aargoosi iyo xumaan la sii wado aan lagu gaadhi karin hurumar, that
is why world cup 2010 lagu qabtey South Africa.  Nabad baa macaan ee nabada yaan la
dhayalsan.

Saado Calina waxey ku wanaagsaneyd iney qaado heesihii sexyga ahaa ee lagu jeclaa,
ma istaahisho iney Qabqableyso Dagaal noqoto.
Haduu caawa igu yidhi
Badaha cagaha geliyo¨
Soo xidhi cunaabiga.

Iyo heestii kale.
Isu xaadhan laabatena
Qalibigeena xasuusta
Xeeldheerida jaceylkeena
Jidhkaa i xadan tooda
Xubnaha isu boholyooba
Xubanaha isu boholyooba.

Mustafe Aw Adan.
London UK
awadan2002@hotmail.com

 

6 Responses to Saadooy maan jeclayn inaad noqoto haweenaydii koowaad ee dagaal oogto ah War-Lady

  1. war mustafoow, soo ma wanaagsane in la asluubeysto,waatii la oran jiray , WAA LA DOOGSANE YAAN LA DACAROON waxaa uga jeedaa mar ay noqotaba waa la is-wareysan waa la wada hadlin, waa la hishiin, waa la isku imaan waayo waxan meel ma kala jiraan, qofkii xumaan sameeyana xisaab ayuu gali-doonaa dadkii la la’laayey ama la xasuuqey diingoodii noqon maayo mid aan lagu xisaabtamin , waxaa jirta MAAH-MAAHYO aan qurux bad-neyn laakin xigmad weyn ku jirto oo dhaheysa ” BAHAL HIGLO AF QURUN KUMA KALA TAG-TAGTO” somali wax kastoo dhaca kala tagi-meyso opo ilaah ayaa is-baday

    B. HERSI
    July 29, 2010 at 8:04 pm

  2. Ninka wax ka sheego saado iyo hobolada wadaniyiinta ah isagaa daalayo saadana way ka waynta tahay qof wax laga sheega qofi xagxagasho doonayo hawada ha isaga neefsado NOOLOW SAADO CADOWGAAGI U NOOLOW LOVE U ALL FANANIINTA SOMALIEYN JECEL fanaanka isaaqa raacay oo qabiilkisi somali inuu ka go’i rabo oo la go’ay looma jeedo ee fanaaninta somaliweyn jecel kaliya la eega ani maaa yaaabin………………………….

    ahmed
    July 30, 2010 at 1:09 am

  3. Allaa reer isaaq mexeey kiiska iska waaleen ma saadaad gaartaan cidiyaheedana ma ursan kartaan ee nacnacda iska daaya. Hadaladeeda macaan ayaa ka gugubaneysaan viva ina cali samatar somali oo idil ayaa u taagan oo lasafan uma baahna somaliland naacdeed.

    xaali
    July 30, 2010 at 11:28 am

  4. Saado waxay wado ma aha wax cusub.
    Fannan kasta qabiil buu ka dhashay. Waxay fanaaniintu smaynayaan ma aha Dagaal Oogi ee waxay suugaan ahaan u soo bandhigayaan waxa qabiil koodu dareen san yahay. Waa sidaas Mustafoow ee Saado yaan la caayin.
    Magool (AUN) ayaa samaysay
    Mooge (AUN) ayaa sameeyey
    Saado ayaa hada samaynaysa…

    Bootaan Xirsi
    July 30, 2010 at 2:57 pm

  5. asc wr wb

    dhaman waxan salaamayaa walaalaha soomalieed meelkasta ooy joogaan

    kadib hadii wax yar aan ka idhaahdo maqalaakan’marka hore ma haboona in qof dumar ah lala xafiiltamo.marka xigta wixii dadka aan waxba galabsan ee reer waqooyi ah loo gaystay nin kasta waa ka xun yahay.

    laakiin hadaan usoo laabto jawaab tayda’ hal qabsiga south africa hadii aan wax yar ka idhaahdo.marka hore shuruudihii reer galbeedku ay u yeedhiyeen oo kaliya dani uugu jirtay dadka tirada yar ee cadaanka ah ayuu sidoodii u qaatay ooyo haba yaraatee wax faa’iido ah aysan uugu jirin dadka african ka ah ee dhulka le.taa waxa daliil u ah iyadoon xaalka dadka madoobi ay kujireen ka hor mandela uusan waxba iska badalin’arinkaana waxa kutusaya ”SWETO” oo ilaa hada isku raran ah’ biyo nadiif iyo kaabayaal hagaagsan aanan loo samayn.kolkaa qoraagu ma waxa uu ujeedaa dulmiga ay kujiraan south african ka mid lamid ah halagu jiro mise nin kasta inuu cadaalad helo ayaa haboon.

    gabagabadii waxan odhan lahaa saado iyo kan dulmiga diidan maaha kuwa dhiiga raba inay bilaa macna ku daadiyaan’ ee waa kan raba inuu ku khasbo umadaha kale waxaysan raali ka ahayn.sidaa daraadeed waxan kula talin lahaa si fidnada looga fogaado’nika raba inuu dowlad samaysto inuu deegaanadiisa ku ekaado ee uusan deegaano dadkale keeyihiin ku khasbin waxayna raali ka ahayn.kolkaa waxan leehay qoraaga shalay dulmigii aad ka dagaalamaysay maanta adigu gacmahaaga haku samayn taariikhduna waa qormo.waxa kale oon kugula talin iska ilaaliso ”dubble standard ka” sabab too dad gaar ah ama ujeedo gaar ah jeclaysigu waxa uu sababaa in xaqa aad garamarto.
    kolkaa waxan odhan lahaa anigu meeshan dhibta taagani waxa ay ku qotomtaa wixii soomali kolkii hore iska hor keenay ee dad gaar ah ay tirsanayeen cadaalad daro iyo dulmi lagu hayo.sidaa daraadeed waxan ku talin lahaa anigu nin kasta in loo madax baneeyo waxa uu rabo inuu kasamysto deeganadiisa’ ama dowlad ha kaga dhawaaqo ama siduu dooni haka yeelo’ laakiin dhibi waxay imanaysaa sidaan hore ba usheegay marka koox gaar ah oo wadata agenda gaar ah ay damacdo inay ku khasabto kooxa kale waxayna raali ka ahayn’ waana halka sarto ka qudhansantahay ee waxba ka socon laayihiin mudada 20 ka sano ah.murtidu waxay tahay xaqiiqda iyo waa qaca oo la wajaho waxay naftu jeceshahayna la iska dhaafo sabab too ah waa ta dulmiga keenta.

    wa bilaahi taowfiiq

    xaqsoor
    July 30, 2010 at 3:07 pm

  6. asc dhaman umada muslinka ah wan salamay salan ka bacdi somalida ayan mid odhanaya , mah mah ayaa waxay tidhahda adigoo mdaxa ah maxa mijo ka dhigaya se saado cali , uma qalanto qof dagaaal ooge ah waxan se kula talinaya iney ahaato fananad qaran taas oo ka soo jeeda gobolada somaliland , hatan waxan filaya iney khaldan tay fananadaasi oo ay ka soo rogaal celin doonta falka ay ku kacdey , waxan se uma da reer somalia leeyahay war markad wax noqotaan war la kalaya inta kalena ducada iska badsada oo dalkan somaliland ee ad ku soo qaxdeen oo matidiini u soo dirteen wax ha ka sheegina fadlan ix tiraamkana ha la ilaasho somaliyeey wcs ……….

    somalilander
    September 11, 2010 at 5:12 am

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>